Markab ganacsi oo lagu beegsaday biyaha badda cas

0
922

Xudayda (Hargeisa Press)- Maamulka badaha, ayaa baadhaya weeraro kala duwan oo la sheegay in lagu qaaday markab marayay biyaha badda cas, gaar ahaan, meel u dhow goobaha ay Xuutiyiintu ay weerarada maraakiibta ka gaystaan.

Hawlgalka ganacsiga badaha ee boqortooyada Ingiriiska, ayaa sheegay inay heleen, xog tilmaamaysa, qarax ka dhacay meel 174 KM woqooyi galbeed kaga beegan dekedda Xudayda ee dalka Yemen, weerarkaas oo dhacay subaxnimadii Salaasada maanta.

Warbixintan, ayaa timi, saacado yar ka dib, markii laba qarax oo kale lala beegsaday isla markabkan, xilli uu marayey meel 117 KM u jirta xeebta Xudayda, sida laga soo xigtay shirkadda dhinaca ammaanka badaha ee Ambrey.

Weerarka koowaad, ayaa loo adeegsaday walxo qarxa, hase ahaatee, waxaa lagu qarxiyay meel u dhow markabka, waxaana shaqaalaha markabku ay arkeen doonyar oo samaynaysa dhaqdhaqaaqyo ay ka shakiyeen, taasoo doonaysa inay aad ugu soo dhowaato markabka. Waxaana markaas ka dib dhacay qaraxa labaad.

Xuutiyiinta, ayaa bilaabay hawlgalladooda, tan iyo markii ay Israa’iil weerarada ku qaadday marinka Qaza, si ay garab istaag ugu muujiyaan Falastiiniyiinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here