Madaxweyne Biixi oo kulan la yeeshay madaxda xisbiga Kulmiye ee Burco

0
1162

Burco (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa caawa magaalada Burco kulan gaar ah kula yeeshay madaxda xisbiga KULMIYE ee gobolka Togdheer.

Madaxda xisbiga ee gobolka Togdheer iyo degmooyinka, ayaa Madaxweynaha uga war bixiyay hawlaha shaqo ee ay xisbiga ugu xilsaaran yihiin, waajibaadka saaran iyo qorsheyaasha ay damacsan yihiin inay ku dardargeliyaan shaqooyinka hor yaalla.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa wuxuu dhankiisa uga mahad celiyey madaxda xisbiga ee gobolka Togdheer shaqooyinka culus ee ay hayaan.

Waxana uu kula dardaarmay inay sii dardargeliyaan hawlaha horyaalla, maaddaama dalku galay wakhti doorasho loo diyaar garoobayo.

Madaxweynaha, waxa kulanka ku wehelinayay hoggaanka sare ee xisbiga oo ay ka mid yihiin, Guddoomiyaha xisbiga, ahna Wasiirka arrimaha Gudaha, Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiye ku xigeenka koowaad, Cabdicasiis Maxamed Samaale, ku-xigeenka saddexaad, Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ku-xigeenka Afraad, Maxamuud Xasan Sacad Saajin, Guddoomiyaha garabka Haweenka, Marwo Sahra Saleebaan Cawad, iyo xubno ka mid ah guddida fulinta ee xisbiga KULMIYE iyo wasiirro ka tirsan xukuumadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here