Somaliland oo ku celisay inay ka go’an tahay fulinta heshiiska Itoobiya

0
3316

Hargeysa (Hargeisa Press)- Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay sheegtay in ay ku adkaysaneyso inay sii waddo heshiiska is-afgaradka ah ee ay la gashay dowladda Itoobiya.

War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland, ayaa lagu sheegay in, Dowladda Somaliland ay weli ku adkaysaneyso in ay dhaqan-gelinayso heshiiskii Is-faham ee Itoobiya.

War-saxafadeedka, ayaa lagu yidhi, “Waxaan si dhow ula soconnay wada-hadallada uu billaabay Turkiga oo ah dadaallo dhexdhexaadin ah oo u dhexeeya Maamulka Muqdisho iyo Itoobiya oo billowday Isniintii August 12, waxaa cad in wadahadallada ayna keenin natiijooyin la rabay.”.

Sidoo kale, waxaa qoraalka lagu xusay in, ku lug lahaanshaha Turkiga ee sii kordhaya ee arrimaha gobolka ay daliil cad u tahay dhexdhexaadnimo la’aanta Turkiga ee dhex dhexaadinta iyo ujeedka ay ka leeyihiin in ay si toos ah u farageliyaan heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Somaliland iyo Itoobiya.

Wasaaradda arrimaha Dibedda Somaliland, ayaa war-saxaafadeedka ku sheegtay, in Xukuumadda Somaliland, ay weli ka go’an tahay nabadaynta gobolka iyo wada shaqaynta ay la leedahay dalalka jaarka ah.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here