Mareykanka oo ka digay qorshe dib loogu dhigayo Doorashooyinka Somaliland

0
7334

Washington (Hargeisa Press)- Dowladda Mareykanka, ayaa waxaa ay si weyn uga digtay qorshe ay sheegtay in dib loogu dhigayo Doorashooyinka Somaliland ee isku sidkan ee Madaxtooyada iyo ta Ururrada Siyaasadda ee la qorsheeyay in ay dalka ka dhacaan 13 bisha November ee sannadkan 2024-ka.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka, gaar ahaan xafiiska Afrika Molly Phee, ayaa sheegtay inay jiraan xogo ku saabsan in la doonayo in dib loo dhigo doorashooyinka Somaliland.

Kaaliye Molly Phee, ayaa waxaa ay dib u dhigada doorashooyinka Somaliland ku tilmaamtay mid nasiib daro ah oo aan la filayn.

Molly, ayaa hadalkan ka sheegtay shir ay kaga qayb gashay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka ee xafiiska Afrika Molly Phee, ayaa waxay sheegtay inay dhiiri gelinayaan in doorashooyinka Somaliland ku dhacaan xilligii loo qorsheeyay.

“Doorashooyinka Somaliland ee socda markaynu ka hadlayno. Somaliland waxa ay leedahay sumcad wanaagsan oo dhanka doorashooyinka ah. Balse waxaan maqlay xogo sheegaya in dedaal loogu jiro in dib loo dhigo doorashooyinka Somaliland. Uma malaynayo in arrinkaasi Somaliland u wanaagsan yahay. Waxaanu dhiiri gelinaynaa in doorashooyinka Somaliland ku dhacaan xilligii loo qorsheeyay.” ayay tidhi Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibedda Mareykanka, gaar ahaan xafiiska Afrika Molly Phee.

Molly Phee, ayaa noqonaysa sarkaalkii ugu sareeyay ee dowladda Mareykanka ee ka hadasha arrimaha doorashooyinka Somaliland.

Guddida Doorashooyinka Somaliland, ayaa hore ugu dhawaaqay in ay si rasmiya u qabanayaan doorashooyinka isku sidkan ee Madaxtooyada iyo ta Ururrada Siyaasadda 13 bisha November ee sannadkan 2024-ka, iyadoona madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi saxeexay maalinta ay qabsoomayaan doorashooyinku.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyay munaasibadii 26 June, ayaa sheegay in si sharci ah loo qaban doono doorashooyinka dalka ka qabsoomaya 13 bisha November ee sannadkan, isla-markaana ay fulinta doorashada u xilsaaran tahay xukuumaddiisu.

Hasse yeeshee, waxaa mudooyinkii u dambeeyay dood xoogani ka taagnayd nidaamka hubinta codbixiyeyaasha ee sawirka Indhaha, iyadoo ay si weyn u diidan yihiin qaarka mid ah xisbiyadda iyo ururrada siyaasadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here