Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynahaย Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Qasriga Madaxtooyada kulan kula yeeshay madaxa Xafiiska Dawladda Boqortooyada Ingiriiska ay ku leedahay Hargeysa ee xilka ka degayaย ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ iyo madaxa cusub ee loo soo magacaabay isla Xafiiskaasi Marwo ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ย iyo masuuliyiin kale.
Kulankan, ayay ujeedadiisu ahayd sidii loo sii xoojin lahaa xidhiidhka soo jireenka ah ee u dhexeeya labada dal iyo sidii loo adkayn lahaa wada shaqaynta labada dal ee Somaliland iyo Ingiriiska.
Madaxa Xafiiska Boqortooyada Ingiriiska ee Somaliland ee xilka ka sii degaya Mr Ilyaas Malek, ayaa Madaxweynaha baray Madaxa cusub iyo ku xigeenka xafiiska Ingiriiska ee Somaliland.
Waxa kale oo uu Somaliland uga mahad-naqay sida ay u soo dhaweeyeen, waxaanu bogaadiyey dedaallada nabadeed ee ay waddo Xukuumadda cusub ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.
Ilyaas Malek, ayaa ugu hambalyeeyay sida joogtada ah ee ay uga goโan tahay Somaliland ku dhaqanka hannaanka dimoqraadiyadda, wuxuuna carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in cid kasta laga wada tashado si xal looga gaadho xiisadaha ka taagan gobolka.
๐๐จ๐๐จ๐๐๐๐๐ ๐ฎ๐ ๐ฎ ๐ฆ๐ฎ๐ก๐ข๐ข๐ฆ๐ฌ๐๐ง ๐๐ ๐ฅ๐๐ ๐๐ ๐ ๐ฐ๐๐๐ ๐ก๐๐๐ฅ๐๐ฒ ๐ค๐ฎ๐ฅ๐๐ง๐ค๐ ๐ฐ๐๐ฑ๐ ๐ค๐ ๐ฆ๐ข๐ ๐๐ก๐๐:
๐. Xoojinta Xidhiidhka Labada Dhinac
๐. Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Maalgashiga
๐. Amniga iyo Xasiloonida Gobolka
๐.ย Isweydaarsiga Aqoonta sareย iyo Waxbarashada
๐.ย Taageerada Dawladnimada iyo Horumarinta Bulshada
Hawl-wadeenada Xafiiska Ingiriiska ee Somaliland, ayaa muujiyay xiisaha ay u qabaan sahaminta fursadaha maalgashi ee xagga ganacsiga, tamarta la cusboonaysiin karo, iyo tignoolajiyada, kuwaas oo muhiim u ah hiigsiga koboca dhaqaalaha dhaqaalaha ee Somaliland.
Kulankan, ayaa ku dhamaaday jawi wanaagsan, iyadoo labada dhinacba ay rajo ka muujiyeen mustaqbalka xidhiidhka Somaliland iyo Dawladda Boqortooyada Ingiriiska.
Waxa si wada jir ah loo ballanqaaday in si dhow looga wada shaqaynayo arrimaha mudnaanta leh Somaliland iyo mandaqaddaba, iyo sidii dhabbaha loogu xaadhi lahaa iskaashi adag oo faaโiido u leh labada dhinac, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa horumarka iyo meeqaamka caalamiga ah ee Somaliland.


















