Madbacada Qaranka Oo Lagu Wareejisay Daabacaadda Manhajka Waxbarashadda

0
364

Hargaysa (HP): Wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayaa maanta shaacisay in ay shirkadda Hema ka wareejisay daabacaadda buugaagta Manhajka waxbarashadda dugsiyadda dalka.
Shirkadda Hema oo ah mid gaar loo leeyahay ayaa daabacaada manhajka buugaagta dugsiyadda Somaliland gaar ahaana dusgiyadda hoose dhexe, iyo sare lagu wareejiyay xiligii xukuumadii hore ee Siilaanyo.


Hase yeeshee wasiirka waxbarashadda Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa maanta shaaciyay in ay si rasmi ah daabacaadda manhajka buugaagta dugsiyadda ugu wareejiyeen madbacadda qaranka Somaliland.
Wasiir Toorno, waxa uu sidaasi ka sheegay munaasibad ay maanta ku kala saxeexdeen heeshiiskaasi daabacaadda qaranka Somaliland iyo wasaaradda waxbarashadu.


Tallaabadaasi ayuu wasiirku ku amaanay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo lahaa amarka daabacaadda manhajka buugaagta waxbarashadda lagu soo wareejiyo madbacadda qaranka.


Waxaanu ydih, “Waxaa maanta farxad ii ah in wasaaradda waxbarashadda iyo sayniska Somaliland ay daabacaadii buugaagta manhajka qaranka ku wareejiso madbacadda qaranka.
Waana wax lagu farxo in aynu gaadhno awoodaasi. Waxaanu madaxweynaha Somaliland ku ammaanan yahay in qaranku Lugihiisa ku istaago, isla markaana uu socod barto.
Markaa waxaa aynu soo gaadhnay in masuul kasta oo dawladdeed uu hanto wixii uu qaranka masuulka uga ahaa”.
Wasiir Toorno, waxa uu tilmaamay in maadaama oo shirkadda Hema laga wareejiyay daabacaadda buugaagta in aan la ogolaan doonin cid kaloo daabacda.
“Afar boqol oo kun oo carruur ah ayaa laga sugayaa 3 July, in aanu midna buug waayin. Sidaa aynu u wareejinay meel aan madbacada qaranka ahayn laguma daabici karro, sicirkuna waa in uu ahaado mid ka jaban kii goobaha gaarka loo leeyahay” ayuu yidhi wasiir Axmed Toorno.
Geesta kale, maaraeeyaha madbacadda qaranka Somaliland Maxamuud Raagge Ibraahim, ayaa soo dhaweeyay in lagu soo wareejiyo daabacaadda manhajka waxbarashadda dalka.


Waxaanu sheegay in siyaasadda madaxweyne Biixi ay tahay sidii loo tayayn lahaa haayadaha dawladda, isla markaana gacanta dawladu loogu soo wareejin lahaa addeegyadda ay dawladu u qabato bulshadda.
Waxaanu yidhi, “Siyaasadda qaranka ee madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, hoggaaminayo ayaa ahayd in la dhiso goobaha dawladda.
Mashaariicda badan ee ka baxay addeega dawladda in lagu soo celiyo gacanta dawladda, tani maaha tii u horraysay, kuwo badan ayaana na soo maray, kuwo badan ayaana soo socda. Waanan ku hanbalyaynayaa madaxweynaha Somaliland”.


“Annagu waxaanu doonaynaa in madbacada iyo qarankuba isku filaadaan. Waxaanu ku shaqeynaynaa Miishiino. Kana waxaan ILLAAHAY SWT ka baryayaa idinka oo noogu ducayna in aanu daabacno” ayuu yidhi Maxamuud Raage.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here