Hema Books Oo Ganafka Ku Shufatay Daabacaadda Buugaagta Ee Laga Wareejiyay

0
441

Hargaysa (HP): Shirkadda Hema Books ayaa ganafka ku dhufatay go’aanka ay wasaaradda waxbarashadda Somaliland daabacaadda manhajka buugaagta dugsiyadda ugu wareejisay madbacada qaranka.
Tallaabadaasi ayay Hema Books ku tilmaantay mid lagu deg degay, isla markaana aan waxba lagala socod siinin.
Arrintani ayaa imanaysa kadib markii maanta ay wasaaradda waxbarashadda Somaliland shaacisay in si rasmi ah daabacaadda buugaagta dugsiyadda loogu wareejiyay madbacadda qaranka.


Shirkadda Hema oo ah mid gaar loo leeyahay ayaa daabacaada manhajka buugaagta dugsiyadda Somaliland gaar ahaana dusgiyadda hoose dhexe, iyo sare lagu wareejiyay xiligii xukuumadii hore ee Siilaanyo.
C/raxmaan Nuur Cigaal, oo ka mida masuuliyiinta shirkadda Hema Books oo maanta warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargaysa waxa uu sheegay in heshiiska ay shirkadoodu manhajka ku daabici jirtay uu ahaa mid ay la galeen wasaaradda waxbarashadda xukuumadii hore ee Siilaanyo.
Heshiiskaasi oo uu sheegay in la mariyay dhamaanba laamaha sharci dejinta Somaliland, isla markaana uu digreeto ku ansixiyay madaxweynihii hore.
Sidaas darteedna aanu jirin meel lagaga noqday heshiiskaasi ay hore ula galeen xukuumadda.


Waxaanu ydihi, “Warkaasi hadda ayaa noogu horaysay. Cidi noomay sheegin, cidna magalamay tashan. Warka noocaasi ah in hawadda la isku mariyo, waxaanu u arkaynaa deg deg. Waxay ahayd in la noo yeedho, oo wax lanaga waydiiyo”.
“Heshiiska ay Hema Books ku daabici jirtay manhajka buugaagta dugsiyadda, muu ahayn heshiis hawadda na looga diray. Balse wuxuu ahaa heshiis aanu wada galnay wasaaradda waxbarashadda Somaliland.
Lana mariyay dhamaanba laamaha sharciga ee ay leedahay Somaliland. Ugu danbayntiina madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo, uu ku ansixiyay digreeto madaxweyne” ayuu yidhi C/raxmaan Cigaal.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here