Madaxweynihii Hore Ee JSL Daahir Rayaale Oo Ka Hadlay Xaaladaha Dalka

0
255

London (HP): Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa ka hadlay xaaladaha colaadeed, iyo arrimaha doorashooyinka ee dalka ka taagan.

Waxaanu sheegay in colaad beeleedyadda goboladda dalka qaarkood ka taagan ay yihiin waxyaabo macno darre ah oo qabyaalad ku salaysan.

Daahir Rayaale Kaahin, oo isaga iyo xubno kale oo siyaasiyiin ah ay safar ku joogaan dalka Ingiriiska, iyadoona weftigaasi lagu soo dhaweeyay safaaradda Somaliland ee London.

Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaain, oo halkaa hadal ka jeediyay ayaa sheegay in dadka Soomaalidu ay u muuqdaan waayadan danbe in ay qabyaaladda Goglato, oo ay huwato.

Taasoo uu ku tilmaamay in ay tahay arrinta dhibaatadda keenaysa ee ay sida macno darrada ah maalin walba dadkeenu ugu dhintaan. Isagoona tusaale u soo qaatay colaad beeleedka ka taagan deegaanka Cali-Saahid, ee gobolks Togdheer.

Daahir Rayaale Kaahin, waxa kaloo uu sheegay in Somaliland dib u dhiskeedu uu soo maray waddo dheer, kuwaasoo ay ku lamaanaayeen mar ay qalalaase ahayd oo magaalo walba uu nin Qori haystay ayaa la soo arkay.

Isagoo na guusha hub ka dhigista kooxihii hubaysnaa ee dalka joogaybuu lahaa madaxweynihii hore AHUN Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, sida uu sheegay Daahir Rayaale Kaahin.


Geesta kale madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale, waxa kaloo uu ka sheekeeyay dar-daaran uu Cigaal, siiyay ka hor intii aanu geeriyoonin.

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay mudane Rayaale, doorashooyinkii uu isagu dalka ka qabtay xiligii uu madaxweynaha Somaliland ahaa.

Waxaanu sheegay in isagoo aan cidi na u damaanad qaadayn inuu doorashadda ku soo baxayo, inuu go’aan ku gaadhay qabashadda doorashadda.

DAAWO: Khudbadii Daahir Rayaale Kaahin:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here