Haayadda World Vission Oo Baabuur Ku Wareejisay Wasaaradda Caafimaadka JSL

0
233

Hargeisa (HP): Wasaaradda Caaafimaadka Somaliland ayaa maanta baabuur kuwa gar-gaarka deg dega ah kala wareegtay haayadda World Vission.

Waxaana gaadhigaasi haayadda kala wareegay wasiirka caafimaadka JSL Xasan Gaafaadhi, oo uu wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradaasi Dr. Maxamed X
Cabdi Xergeeye.

Sidoo kale waxaa madashaasi joogay saraakiil ka socday haayadda World Vission, ee baabuurka ku wareejinaysay wasaaradda caafimaadka JSL.

Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), wasiirka caafimaadka Somaliland ayaa haayadda World Vission, uga mahad celiyay gaadhigan ay ku wareejiyeen.

Baabuurkani ayaa lagu talo-galay in uu ka hawl gallo xafiiska Qaaxada ee wasaaradda caafimaadka Somaliland.

Waxaanu tilmaamay in baabuurkaasi uu qayb ka noqon doono gawaadhida bulshadda loogu addeego.

DAAWO: Hadalkii Wasiir Gaafaadhi:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here