Madaxweyne Siilaanyo Warqad U Gudbiyay Maxakamadda Saree e Somaliland

0
1247

Hargeysa, (HargeisaPress) — Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa go’aan ku gaadhay inuu maxkamadda sare u gudbiyo qoraal uu kaga dalbanayo inay go’aan sharci ka gaadho midka lagu dhaqmayo muddo kordhintii guurtida iyo heshiiskii xisbiyada.

 

Madaxweyne Siilaanyo ayaa  warqad u gudbiyay maxkamadda sare ee distooriga ah, taas oo uu ku weydiisanayo inay fasiraad sharci ka bixiso muddo kordhintii golaha guurtidu u sameeyeen muddo xileedkiisa iyo heshiiskii ay wada galeen xisbiyadu ee ay xukuumadiisuna gogosha u dhigtay.

 

Madaxweyne Siilaanyo ayaa maxkamadda sare ka codsaday inay fasirto midka sharci ah ee lagu dhaqmayo muddo kordhintii guurtidu samaysay iyo heshiiskii ay xisbiyadu wada galeen. Muddo kordhinta guurtida ayaa dhigaysa inay doorashooyinku qabsoomaan bisha April ee sannadka 2017 halka uu heshiiskii xisbiyadu dhigayo inay doorashooyinku qabsoomaan bisha December ee sannadka 2016, waana taas qodobada uu Madaxweyne Siilaanyo ka dalbanayo inay maxkamadda sare fasiraad sharci oo go’aan ah ka bixiso.

 

Madaxweyne Siilaanyo ayaa  ka duulaya qodob ku jray go’ aankii maxkamadda dastuuriga ahi ku xalisay khilaafkii xisbiyada iyo xukuumadda oo u dhignaa in dhaqso xal looga gaadho muranka doorashada oo sababay khilaafaadka wadanka ka jira.

Maxaa dalabka maxkamadda sababay

warqada siilaanyo ww

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa go’aankan maxkamadda sare qaatay ka dib markii ay golaha guurtidu khamiistii ku gacan saydheen codsi uu u gudbiyay oo nuxurkiisu ahaa inay dib ugu noqdaan muddo kordhinta oo la sheegay in Madaxweynuhu golaha guurtida u hogo tusaaleeyay culayska siyaasadii Somaliland ku keentay gudo iyo dibadba, waxaanu golaha u sheegay inuu doonayo inuu hirgeliyo heshiiskii uu xisbiyada la galay.

 

Hase yeeshee kulankaas oo ay albaabadu u xidhnaayeen waxa ay ilo xogogaali Geeska Afrika u sheegeen inay golaha guurtidu Madaxweyne Siilaanyo ku gacan saydheen soo jeedintaas uu u bandhigay.

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here