Siyaasintii mucaarid yaanay ku mashquulin xukuumad xilkeedii ka soo baxday ee barnaamijyo siyaasadeed hala yimaadaan

0
868

Guud ahaan shacabkeena Somaliland oo intooda badani yihiiin dad dalkan wada ilaashanayaa oo hiil iyo hooba la garab taagan Adkaynta qaranimada iyo jiritaanka jamhuuriyada Somaliland ayaa tan iyo markii aynu dib ula soo noqonay xoriyadeena 1991kii

Waxay shacabku isku raaceen in aan marnaba laga noqonin dib ula soo noqoshada xoriyadeena taas oo u quus goysay dalkii  aynu hore midawga dawladnimo ula galnay ee Somalia

waxa qarankan iyo shacabkiisa ka madnuuca in mardanbe wax laga dayo wixii aynu ku hungownay ee isku keenka umad somaliyeed

Siyaasiyiinteena muxaafad iyo mucaaridba shacabka Somaliland ka ogolaan maayaan inay ka maqlaan wax dib u xasuusinaya  dhibaatooyinkii ay soo mareen ee midowgii Somalia u gaysatay

Markaa waxaa is waydiin mudan maxay siyaasiyiinta mucaaridku marwalba dhagaha shacabka ugu soo celceliyaan arimaha aynu mar hore meel iska dhignay ee Somalia ku saabsan

Waxaad maqlaysaa iyaga oo leh Somalia ayaa sidan loo sameeyey ,heshiiska noocaas ah ayaa lala galay  iyo warqad noocaas ah ayaa loo qoray

Nimanka sidan ku celcelinaya miyaanay ogayn shacabka ay u sheegayaan borobogaandadu inay yihiin dad aqoon leh oo wax iska shaandheeya

Kuwaasi oo aan ogalaanayn haba yaraatee wax hagar daamo iyo dib u dhac ku keenaya dalkan iyo dadkiisaba

Shacabka Somaliland sidii ay go aansadeenba waxa ay gacan tooda ku doortaan cida majaraha u haynaysa  ee hogaaminaysa shanti sanaba mar

Xukuumadii u danbaysay ee ay shacabku gacantooda sida xalaasha ah ugu soo doorteen waa tan maanta dalka hogaamisa ee uu madaxda ka yahay madaxweyne axmed siilaanyo

Kalsoonida ay shacabku siiyeen xukuumadan waa mid ay ka mutaysteen markii ay ololaha ku jireen iyaga oo u soo bandhigay barnaamijyo shacabka u  cuntamay

Oo ay ka dhax arkeen himilo horumar iyo barwaaqo leh  maanta indhaaha caafimaadka qabaa waa ay arkayaan himiladii in inteedii badnayd ay fushay

Xilka umadan iyo dalkanba waxa uu saaran yahay xukumada uu shacabku kalsoonida siiyey ee uu hogaamiyo axmed siilaanyo

Waxaan la odhan karaa hawshooda iyo xilkooda waxa ay uga soo baxeen sidii looga baahnaa marka cidna laga ogolaan maayo inay

Aflagaado iyo hadalo bilaa macno ah ula yimaadaan masuuliyiinta umada u shaqaynaysa ee hadh iyo habeen u taagan howlaha qaranka

Waxaan ku soo gabagabaynayaa waa in xisbiyada mucaaridku ay ka waan toobaan hadalada deelqaafka ah iyo beenta aan salka iyo raadka lahayn ee ay meelahaa la soo fadhiisanayaan Waxaanan kula talin lahaa inay umada  ula yimaadaan barnaamijyo waxqabad iyo horumar leh.

 

W/Q : Ayaan axmed

Email : axlaanayaan@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here