Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka  qaybgalay Xuska Sannad Guurada 22aad ee ka soo wareegtay Aas-aaska Ciidanka Booliska  Somaliland + DAAWO SAWIRRO

0
892

Hargeysa, (HargeisaPress) —Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu maanta ka qaybgalay Xuska Sannad Guurada 22aad ee ka soo wareegtay Aas-aaska Ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland.

madax 3

Xafladan oo sanad walba lagu qabto xarunta Taliska guud ee Ciidamada Booliska Somaliland Madaxweynaha oo halkaasi ka hadlayna waxa uu  yidhi madaxweynuhu:-

 

“Farxad weyn bayn ii tahay inaan maanta kasoo qeyb galo Munaasibada Sannad guurada 22aad ee aas-aaska  Ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland, ciidanka booliska somaliland waa waxay ku fadhido nabadgelyada dalka iyo dadku uu ku faano.

MAX 5

waxaan mahad weyn u celinayaa Ciidankaa heerkastuu yahay Dadka hadii aan la kala celin oo la ilaalin oo shariciga la ilaalin oo cid ilaalisa loo samayn wax badan baa laysku qabsanayaa wax badan baa inaga fakanaya,.

Dal Dimuqraadi ah baynu nahay dad wada jira baynu nahay Siyaasada waa layskaga hor imanayaa, danaa la kala leeyahay qaab kala duwan baa wax loo arkaa laakiin farsamo iyo cilmi iyo aqoon iyo nidaam baa lagu kala baxaa wixii nidaamkaa ka baxsan ee nabadgelyada wax yeelaya cid laga yeelayaa ma jirto Booliskuna wuxuu u samaysan yahay inuu nabad gelyada ilaaliyo cid kastaba ha noqotee”.

max 3

Madaxweynaha JSL Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo Hadalkiisa sii wata ayaa yidhi ” markaa waxaan leeyaahay dadka qaarkood waa laysku qabsanaya waa layska hor imanayaa laakiin cidna ka yeeli mayno cidna laga aqbali maayo intaynu ciidankeenaa booliska iyo ciidamada kale nabad gelyada ilaaliya aynu  haysano in cidina wax yeesho oo ummaddaa iyo dadkaa nabadgelyada iyo xasiloonida haysta ay ku cayaarto nabadgelyadaa iyo xasiloonidaa aynu leenahay.

MAX 77

waxaan leeyahay aad iyo aad baan ugu bogaadinayaa ciidamada booliska madaxdiisa, masuuliyiintiisa iyo mijihiisaba sida fiican ee qaranimada leh ee hawshaa, xilkaa loo igmaday ay u ilaaliyaan, waxaan leeyahay hanbalyo aad iyo aad u balaadhan baan usoo jeedinayaa  Ciidanka Booliska, Ubadkooda iyo Xaasaskoodaba aad iyo aadna waad u mahadsan tihiin”.

max 4

MAX 98

MAX 09

MAX 45

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here