GORFAYN: Doorka Qurba joogga Somaliland: Siyaasada, dhaqaalaha iyo musuq maasuqa: Q4aad

0
847

Dhaqaale intee leeg ayay masuuliyiinta qurba joogga ah ee la magaacaabaa u diraan dibbaddaha? Doorka qurba joogga ee musuq maasuqa, tahriibka iyo qabyaaladda? Doorkii dhismaha iyo yagleelka qaranimadda Somaliland?.

5.4. Doorka xukuumadda ee dhiirigalinta tahriibka

 

Xukuumaddu doorka ugu wayn ayay ka qaadatay dhiiri galinta tahriibka iyo in dhalinyaraddu ku lee’edaan baddaha, xukuumaddu waxay abuurtay, hiyo kicin iyo dhiiri galin tahriib, iyadoo xukuumaddani iyo xisbiyadeeda mucaaridkuba noqday wadda qurba joog, bal u fiirso gollayaasha qaranka, dhamaan masuuliyiintani waxay ka soo shaqo tageen qurbaha, waddankiina wuxuu noqday goob loo soo xoogsi tago oo kaliya, xadiga lacagaha adage ee loo xawilo qurbuhu waxay ka badan tahay xaddiga dhaqalaha qurbo joogu soo diro, mansabyada qurba joogu waxay marayaan ilaa halkii ugu hoosaysay oo ah dirawal gaadhi wasaaradeed, Niyad jabintaa guud waxaa sii xoojisay, xafaladaha qurba joogga iyo maamuuska gaarka ah ee la siiyay iyadoo kuwii qabaw iyo kulaylba ugu samray dibadaha taagan yihiin.

 

5.4.1:  Xafladaha Qurba joogga

 

Aloosidda, xafladdo waawayn oo si heer sare ah loo soo agaasimay, iyadoo aduun baddan loo huray dhaldhalaalinta, madadaalada iyo farxad galinta qurba joogga, xili waddanku ku sugnaa abaaro lagu riiqday waliba dhinaca galbeedka, iyadoo oonka iyo omoska ka jira dartii caruuro iyo waayeelba ku nafwaayeen, qadarinta iyo ka buun buuninta tvyadda ayaa sababtay inay dhalin baddani sibiq dhaqaaqaan, waxay gaabaabsi ka dhigtay rajada dhalin badani ku qabtay qarankan, u soo kala dheeraynta xafladaha iyo balanqaadyada tiro beelka ah ee xukuumadda iyo taakulada qurba jooga ee aan kala go’o lahayn, halka waddanka macaluul ba’ani ka jirto, ayaa niyad ahaan sababtay in waddanka shacab baddani ka rajo dhigaan, kuna hamiyaan qurbaha, iyagoo halhays dhalintu ka dhigatay, ‘Tahriibaha maantu waa qurba joogga barito’

5.5. Xil-sugayaasha Qurba Joogga ah

 

Waa nooc ka mid ah lungsiga hantida qaranka, sidoo kalena waa qiimo dil maskax ahaan iyo sharaf ahaan xilsugayaasha.  Ku dhawaaqistii guusha xisbiga kulmiye, raxlayntii, rayrayntii, farxaddii iyo damaashaadkii ka bacdi, qurba jooggu raxan raxan ayay ugu soo qulqulayeen waddanka si ay dareenkooda farxadeed ula qaybsadaan xisbigoodii ay inta badan soo dhisayeen ee ay qaadhaan bixiyayaasha ka ahaayeen, sidoo kalena ay dheef mansab iyo midkaleba ay ka helaan. Xukuumaddu si diiran ay u soo dhawaysay, xil gaar ahna way iska saartay, hudheelana way u kiraysay, masruufna way u qortay muddada ay joogaan.

 

Waxa nasiib daro ah, in xukuumaddu balanqaadyo kala duwan u samaysay qurbajoogii, qaar xilal, mashaariic, guno samayn iyo shaqaalaysiin, Waxa xusid mudan, in qaarbadan TVga qaranka ee Yurub laga shaqaalaysiiyay,halka qaar kalena ay ku mushaar qaataan la taliyayaal TV. Haddaba inbadan oo qurba jooggii waddanka yimid ka mid ahi, waxay wali ku sugan yihiin Hudheeladdi, Muddo 5 sanno ah ayay qurbo joogga xilsugayaasha ahi, ku jiraan hudheeladda, iyagoo soo dayacay, qoysaskii iyo reerihii ay masuulka ka ahaayeen, sidoo kalena aan masuuliyad qaranka ahayn hadana ku mushaar qaata xil-suge.

 

Qof damiirkiisu noolyahay, runtii mushaar uuna dhididin ama shaqaysan u cuntami maayo umana dhadhamayso, balse waxa dhay dhaawac maskaxeed ku keenaysaa qofka laftiisa, isagoo nafsiyan su’aalo badan is waydiinaya, naftiisana liidaya, habarasho badanina ay ku jirto, cabsi nololeedna u wehel ah, goobaha dadku ku soo ururaana ka fogaanaya, takoor nafsina ku dhacayso, taasoo aakhirka horseedi karta, khatar caafimaad oo ku timaada xilsugahaas naftiisa.

5.6. Mushaar Qaate aan xilhayn

 

Waxaa jira waxa la yidhaa caaglaysi, kaas oo inta badan lagu lunsado lacago farabadan, tiro shaqaale ah oo farabadan oo aan shaqayna mushaarooyinkooda lagu qaato, Taas badalkeeda waxa jira Masuuliyiin xilal kala duwan hayn jiray oo haddana ku mushaar qaata xilalkii ay hayeen, sida wasiir la eryay hadana ku mushaarqaata wasiirnimo. Waa lunsi lacageed oo sharci daro ah, waa hanta umadeed oo aan loogu adeegayn shacabka, waa musuq maasuq casriyaysan. Arintan caaglaysigu qurba joog iyo qaran joog makala laha, waa hadba sida loo kala galaan gal badan yahay.

 

Arintani maaha dhacdo laga wada siman yahay, qaar mushaarkoodii hore badhkii ayay qaataan, qaar mushaarkoodii markay xilka hayeen ayay qaataan, qaarna wallow aanay badanayn maba qaataan mushaarooyin oo markaa la eryo way ka baxaan meesha.

 

5.7. Doorka Qabyaaladeed ee qurbajoogga

 

Qurbuhu waa halka ay ka soo shidaal qaadato, kana soo istaadhanto qabyaaladda halakaysay, gayiga somalida guud ahaa, haleelka ay isku heleen somalidu, iyo marfashyadda fadhi ku dirirka ah, ee tookha, faanka, islawaynida, aanadda, baanaha iyo is fadhoocinta iskula timaaddo somalidu ayaa ina dhaxal siisay, in ay qurba joogga reer Somaliland maanta door wayn ku yeeshaan colladaha reeraha u dhaxeeya iyo kala qaybsanaanta bulshaddan tabaalaysan ee reer Somaliland, iyagoo taakulo dhaqaale ku soo bixiya xamaasadda qabyaaladda, daadiyana dhiig farabadan, una wadda istaaga balaayadda, halka dadkoogaasi ugu baahi baddan yihiin helidda biyo nadiif ah, caafimaad, waxbarasho iyo inay ku naaloodaan nolol raaxo leh, oo la mid ah tan ay qurba joogu qurbaha ku haystaan, waa dad masaakiin ah oo nolol adag oo silic baddan ku nool, waana nasiib daradda haysata qurba joogga in ay u kala fadh fadhiyaan jeesas iyo xaafaddo yar yar, qolo walibana ay ku oodan tahay edag yar oo ay ku horjoogaan kooxyar oo xaafadooda ah, waa nasiib darro wayn, oo aanay somalidu waxba kaga baran bur burkii ku dhacay. Qurbo joogu waa dadka ka yaacay waddankoogii iyagoo miciin bidaya inay beegsadaan waddamo shisheeye, waa dad quus ka noqday ku noolaanshiyaha waddankoogii markay ka waayeen, nabadgalyo iyo nolol wanaagsan, taasi may garansiin inay u noqoto macalin nololeed oo ay ku samato bixin karaan dadkii ay kaga yimaadeen wadankii ee nolosha rafaadka badan u saaxiibka ahaa..

 

Waxba kamay baran, qurba jooggu, ku noolaanshiyaha waddamadda shisheeye ee lagu cadaadiyo, inay yihiin ajanabi ama dad soo galooti ah, waxba kamay korodhsan duruufaha qalafsan ee ay kala kulmeen dad tabcaday oo noloshooda meel marsaday, waxba kamay korodhsan, horumarka iyo waxtarka umadaha ay la nool yihiin ku talaabsadeen si ay ugu soo waaridaan wardankooda.

 

Qabyaaladdu waa tii barakicisay, waa tii gayaysiisay inay noqdaan ajaniba, waa tii dhaxalsiisay, inay collaado halakeeyaan, waa ta dhaxalsiisay, in waddankoodu ahaado midka ugu faqiirsan dunida oo dhan, waa ta gayaysiisay, in ubadkoodii gaajo la ildaran yihiin, waata gayaysiisay in ay ubadkeenii rajo la’aan darteed badaha ugu madhaan, waata gayaysiisay inay ku gumoobaan aduunyadda.

 

Qurba jooggu, may noqon qaar soo waaridda, aqoon, qaar soo waaridda, xirfaddo , qaar soo waaridda, fur furnaan iyo xidhiidho wanaagsa, qaar soo waaridda, barnaamijyo waddanka lagu horumarin karo.. balse waxay soo waarideen, xiqdi, kalla qaybsanaan, shir xaafadeedyo, hurinta colladaha iyo kal fogaynta bulshadda. …………LASOCO…..

 

 

W/Q: Maxamed Cabdikarim (M-Maarshaal)

mmaarshaal@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here