Madaxweyne Muuse Biixi Oo Booliska U Magacaabay Taliye Cusub

0
1352

Hargeysa (HargeisaPress) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa Goor dhawayd Magacaabay Taliyaha Cusub ee Ciidammada Booliska Somaliland.

Madaxweynaha ayaa Taliyaha cusub ee Ciidanka Booliska u Magacaabay Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale) oo ka mid ahaa saraakiisha Ciidammada Millateriga Somaliland.

Inkasta oo aanay jirin Qoraal Rasmiya oo ka soo baxay Madaxweynaha Somaliland oo soo gaadhay Warbaahinta HargeisaPress, haddana Ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa xaqiijiyey in Madaxweynuhu uu Taliyaha cusub ee Ciidammada Booliska u Magacaabay Maxamed Aadan Saqadhi (Daba-gale)

Taliye Daba-gale ayaa buuxinaya Jagadii uu banneeyay Allaah ha  u naxariistee Taliyihii hore ee Ciidammada Booliska Somaliland, Cabdillaahi Fadal Iimaan oo Toddobaadkan ku Geeriyooday Magaalada Hargeysa.

 

Hargeisa Press Desk/ Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here