Beelihii Ceel-afweyn Ee Colaadu Dhex Taalay oo Heshiis Iskood Ah Gaadhay

0
539

Ceel-afweyn (Hargeisa Press)-Waxgaradka iyo odayaasha deegaanka Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag ayaa si iskood ah uga heshiiyey dagaaladii soo noqnoqday ee beelaha wada dega ku dhexmaray, taas oo maanta la soo afjaray.

Aqoonyahanka, waxgaradka iyo odayaasha deegaanka ayaa iyagu go’aansaday inay ka heshiiyaan dagaallo afar sanno ka socday deegaanka oo laba beelood oo walaalo ah ku dhexmarayey, waxaanay dawladda ku wargaliyeen inay iyagu gaar u heshiiyaan,isla markaana qofkii ay u arkaan inuu nabadda waxyeelayo loo xidho.

Heshiishkan oo mudadii u dambaysay ka socday Ceelafweyn ayaa maanta loo sameeyey isku soo bax balaadhan oo beelaha wada degaa si wada jir ah isku dhexgalayaan,isla markaana ka heshiiyaan wixii khilaaf ah ee dhexdooda soo maray mudadii dirirtu ka socotay.

Waxa kale oo isu soo baxa ka mid ahaa Madaxda dawladda, Saraakiisha ciidammada, ardayda iyo shacbi weynaha qaybihiisa kala duwan ayaa ka qayb-galay xabbad-joojinta ay kala saxeexdeen labada qoys colaadu ka dhexeysay.

Hore waxa heshiishkan u gallay golaha Guurtidda, culimada Somaliland iyo xukuumadda oo muddo dheer ku jiray, taas oo waxba ka tarin, mar wal oo la heshiisaba ay mar kale dagaalku ka bilaabmayey, haseyeeshee hada waxay ka soo go’day labaddii beelood oo iyadoo cidi ku dhex jirin isku fahmay inay hawlahooda gaar u dhamaystaan, taas oo maanta shaaciyeen in la soo afjaray colaadii deegaanka Ceel afweyn ee gobolka Sanaag.

Dhinaca kale, xukuumadda Somaliland ayaa soo dhoweeyey nabadda ay wada qaateen labada beelood ee colaadu ka dhexeysay, waxaaanay sheegeen in odayaashaasi markii ay hawsha u baxayeen xukuumadda la sii shirey,isla markaana xukuumaddu ka taageeraysay wixii nabadda kor u qaadaya, taas oo ay ku hambalyeeyeen inay ka heshiiyaan khilaafkii mudadda dheer soo jirey inay gartaan inay ka heshiiyaan.

Hargeisa Press Desk/ Ceerigaabo Office

LEAVE A REPLY