Madaxweyne Ma Waxa Lagu Modayay Mise Waxad Noqotay. Qallinkii: Mawliid Ahmed Jibriil

0
1019
Mawliid Ahmed Jibriil

Waxa lagu modayay mujaahid waa,ayo araga laakiin waxad noqotay Waraabihii Aamin ee bixiya yidhi, waa,ayo waraabihii magaca laga bedelay ee hasha Iyo nirigta lagu tijaabiyay Hashii candhada ayuu ka goosfay, nirigiina faruuryaha ayuu ka goosday, Adigana waa lagu doortay iyadoo waayeel siyaasadeed oo wax qaban doona waxna hambayn doona ayaa lagu beday, laakiin riyadaasi way beenawday marka la eego xaalka dadka iyo dalku marayo.

 

Dalka oo dhan Sadex baa ka Nool oo Naaxay, Xukumada iyo ninkii xilhaya, Tijaar xoolo haysda oo shurako xukumada Kula noqday boobka hantida qaranka iyo Dilaaliinta xukumada Kala shaqaysa iibinta hantida qaran.

 

cashuurtii oo qaaliya lacagta zoo baxda xukumada waxba kama soo noqdaan.Sadex baa Gaajo la ildaran; Danyartii magaalooyinka, reer miyigii iyo xoolihii ay dhaqanayeen.

 

Madaxweyne  shacabkii ku doortay Rajada qabay in aad wax U qaban doonto oo nolashii ay ku noolaayeen mid ka room filayay, ma waxad ka door biday Afarta xoolaha haysata iyo inta xilka haysa ee danaha gaarka aad isku qarsataan?

 

Madaxweyne mise inta xilka haysa iyo inta xoolaha haysata ee ku timaad siday U Naaxeen ayad Aaminsan tahay in dadka iyo dalkuba yahay ?

Inta kadib, Madaxweyne kama filaayo danyarta xaalada adag see nolasha ku jira iyo xoolo dhaqatada bakhtiyay inad wax uu qabanaysid, waxaa hadhay ee aad qabataa waa hantidii guud waxa ka hadhay oo aad iibiso ama Kula shurakawdo inta xoolaha haysata.

 

hadaba, xukumadaada cadaaladeedu markad Danyartii juuc iyo Gaajada aad baday ay hadli Kari waayeen.

 

Ilaahay abaar ayuu dadka iyo dalka ku saliday ee intaan dhulka lagu rogin xukumadaada fadlan goormad doorasho qabanaysaa? Mise inta rajadu ka dhamanayso kuwa musharaxa ah iyo kuwa doorashada sugaya maalinta ay wada kacaan inta ka horaysa maalinba wax baad ku maaweelin, Adhi juguf juguf kama ilbaxo ninka xukun sugayaana rajo kama ilbaxo.

 

Gunanad, Madaxweyne waxad noqotay waraabihii aamin ee bixiya yidhi. Wax Dan guud kama tegaysid oo shalay dhaantay maantee inta hadhay dadka iyo dalkaba fadlan hambee intan wax wada urursateen si dadka iyo dalka ogu dhex noolaadaan hadii kale waa lays wada cuni cid gaara waxba haysan Kari maayaan dadkii kale oo wada bakhtiyaya.

 

Akhrisde qoraalkani waa qaylo dhaan codka danyarta ah ee riyigaaga ka dhiibo adigoo xora.

 

ALAA MAHADLEH.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here