CUGASHADA GURACAN & SOOYAALKII SEED: Qaybtii 11 Aad. W/Q: Jamal A. Muse

0
1073

“Gorfaynta Taxanaha Duug-reebka Tagtada. Cugashada Gurracan. Saameynta Seed iyo Suyuca Siyaasadda Xisbiga Waddani”

                      

  1. Daahanta Daalacan:

Akhristeyaal, haddii aynu aad ugu kuur-galo sababta ka danbeysa sameynta hanaan iyo qaabdhismeed cusub oo xisbiga Waddani hadda yeesho. Kaasi oo si cad uga horjeeda habka uu sharciga dalka JSL u jideeyay  nidaamka samaysanka & haykalka dhismaha ururada &  asxaabta siyaasadda qarankani yeelanayo iyo badheedhaha sharci jabinta uu ku kacay sharci dajiye Abdirahman Cirro. Waa  mid hadda dhammaanteen ba innoo wadda cad, waana hal ujeedo oo ah guul ka gaadhiga doorashada kaltanka saddexaad ee madaxtooyadda JS/land oo loo muddeyay horraanta 2017- ka & qodob oo weheliya, kuwaasi oo kala ah:

 

  • In la helo Waraabe u taag lagu galo ololaha doorashada madaxtooyadda 2017, si ay taageerro xisbiga Waddani uga helo shacabka Somaliland.
  • In kursiga dalka ugu muddan lagu hanto been, sharci jabin iyo nidaam Indho- sarcaad siyaasadeed ah, si shacabka & codbixiyaha loo khaayimo.
  • In si qooto qooto ah shacabka JSL loogu muujiyo in xisbiga Waddani ay ka jirto talo wadaag hoggaamineed iyo wadda Lahaansho xisbinimo.

Hase yeeshee, waxaa si lama filan ah shacab waynaha JSL u fahmay wadhida iyo hagardaamada ku huursan qaabdhismeedka xisbiga, falsafada jalaafada ah iyo sharci jabinta sharci dajiye fuliyay, hogaan xumada iyo kalsoonida darada madaxda xisbiga hadhisa gaar ahaan guddoomiye Cirro, wadda shaqaynta liidata iyo ujeedka xilalka badhaysada ah, jigraarka siyaasadda midabada badan ee guddoomiye Cirro iyo Jeeni wareenka hadda.

 

Ka dib markii talaabo la yaab lahayd ay daahantii Abdirahman Cirro daalaca u rogtay, oo daaranaantiisa siyaasadeed banaanka soo dhigtay. Waxaana iftiimisay oo daaha ka qaaday digreeto uu dhawaan tan soo saaray guddoomiye Cirro oo xil wareejintiisa guddoomiyaha xisbiga markii hore  loo qaatay inay dhab ka tahay, warqaddan ayaa ka soo baxday xarunta xisbiga Waddani, ujeedkuna waa magacaabid masuuliyiin xisbiga ka tirsan.

 

Run ahaantii guddoomiye Abdirahman Mohamed Cirro wuxuu digreetadiisa ku  magacaabay guddi ka ergaysa  qaadacaada Seed iyo Faarax. Isaga oo ogaysiin siiyay hoggaamiyaha xisbiga Xirsi Boodo-dheere oo la moodaayay in uu noqon doono haggaha iyo jiheeyaha koowaad ee xisbiga Waddani iyo ku samaha guddoomiyaha Xildhibaan Abdiqadir Jirde oo magacaabidiisa loo qaatay in uu la wareegi doono shaqadii guddoomiye Cirro, ka qaban jiray xisbiga.

 

Hadaba, waxa muddo kooban ku faydmay arrimo muran badan  bulshada ka dhex dhaliyay, oo ay ugu waynaayeen labadan sheegmo wareed ee kala ah:

  • In hoggaamiyaha xisbiga Waddani noqon doono buruudka awoodda fulinta iyo hoggaaminta xisbiga Waddani leh. Ayaa la fahmay in ay tahay Waraabe u taag iyo meel madhan oo dadka muwaadininta lagu qaldayo maanka iyo garaadka qaadiga ah ee shacabka garasho ahaan iyaga ka horreeya, oo daahanta iyo dedanta siyaasadooda fahmaya.

 

  • In ku simaha guddoomiyaha xisbiga waddani yahay mid magac u yaal ah, oo looga dan leeyahay kaliya in la hanto codka shacabka ku dhaqan degmooyinka Axmed Dhagax iyo 31 May ee caasimadda Hargeisa iyo gobalka Hawd. Tani oo ah turaanturo siyaasadeed oo uu la kulmay guddoomiye Cirro, waxaana la filayaa in Mudane Cabdiqaadir Jirde noqon doono, ninka yaxaaska xisbiga Waddani liqi doono Muumin Seed Ka dib.

 

Akhriste, xaqiiqdii arrintani waxay muujisay sidda ayna raandhiis fog u yeelanayn hanaanka iyo qaabdhismeedka cusub ee hadda heegga guud ee xisbiga Waddani loo rogay kana muuqda. Fariintan ayaa innoo sheegtay in xisbigu qaaday:

  • Dariiqii haddimada & afduubka shacabka.
  • Jabinta sharciga dalka JSL iyo xeerarka laga dheegay.
  • Liidida sharafta qaranka.
  • Dumminta nidaamka asxaabta siyaasadda ee dimuqraadiga ah.
  • Hoos u dhigida hanaanka dawlad wanaagga.
  • Hadhaanimada hanashada iyo hoggaaminta talada dalka.
  • Dhaawicida dhitadii hanaanka dimuqraadiyadda dalka JSL.  

 

  1. Socdaalkii Guuldarada:

Markii la soo loodin kari waayay qulunta wayn ee Garabka Toosinta & Caddaaladda Xisbiga Waddani oo uu guddoomiye ka yahay Ahmed M. Seed. Ayay atkaarta xisbiga waddani mayalka u haysa unkeen in la fashiliyo sheegashadii iyo hanjabaadii Ahmed M. Seed ee ahayd “Waddaniyoow waa Inoo Borama “ oo uu ku tiraabay markii uu ka baxay shirkii lagu shirqoolay.

Xisbiga Waddani oo hoggaankiisa looga bartay qori iskugu dhiibka walaalaha dhiig iyo dhul wadaagta ah ee ku wadda dhaqan gobalka Awdal ayaa mar kale mar dhabar taabasho ah ku yidhi, waan in uu magaaladda Borama tagaa u loolamaha jagada madaxwayne ku xigeenka xisbiga waddani ee doorashada kaltanka saddexaad ee madaxtooyadda 2017-ka. Si loo waydeeyo sheegashadii iyo hanjabaadii Axmed M. Seed. Islamarkaana musdanbeedka reeraysan iyo wiilasha idmani sii wadda is qancinta aan  haraatiga digaaga ka hadhi karin.

 

U loolamaha jagada madaxwayne ku xigeenka xisbiga waddani ee doorashada kaltanka saddexaad ee madaxtooyadda oo qabsoonkeeda loo qorsheeyay horraanta 2017-ka, waa Ambassador Mohamed Jugsoodhacay eh. ayaa duubka madaxnimo loogu tolay shirkii shirqoolka ee huwanta casabaddu isku mahadisay hagardaamaynta abaalkii iyo dedaalkii shacabka halganka iyo kartidii hoggaamineed ee Mujaahid Axmed M. Seed ee xisbiga Waddani iyo guddoomiye Cirro kala soo dabaashay dharaarihii dhiilada siyaasadda.

 

Loolame xigeenka Waddani Ambassador Mohamed Jugsoodhacay oo dhalasho ahaan ka soo jeeda gobalada galbeedka Somaliland ayaa xiligan  kakan ee dibaakha & garaadka siyaasadda dadka reer Awdal ka sii jeestay taageeradii iyo u heelanaantii xisbiga Waddani. Oo ay ka wada mishiiqsadeen Suyuca siyaasada sirgaxan ee Cirro iyo musdanbeedka reeraysani yagleelay. Ayaa  si sahlan u aqbalay amarkii uga yimi Cirro iyo musdanbeedka reeraysan ee ahaa in uu buuqdo Magaalada Borama, halkii uu wadda hadal, soo dhawayn iyo is qancin diblamaasiyadeed la furi lahaa walaalkii amma saaxiibkii Mujaahid Axmed M. Seed, shacabkii halganka ee xaqooda loo casabo miisay iyo garabka uu hoggaamiyo ee toosinta & caddaalada xisbiga Waddani.

 

Hadaba, kooxdan oo ka tirsanayd Garabka Qaloocinta & Sharci Jabinta Xisbiga Waddani ee uu hoggaamiyo Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo ka koobnayd nin-qarka iyo qoor-waynta garabkooda sidda Xirsi Booddo- dheere, Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, Geeddoole, Faadumo  Siciid iyo Loolame xigeenka Waddani Ambassador Mohamed Jugsoodhacay. Maxay kala kulmeen baladkii soo dhawaynta iyo xaddaarada ku caanka ahaa ee Borama?.

 

Runtii waxay kala kulmeen waji gabax guud,  dhabar u jeedin guud & fashil siyaasadeed laga dareemay dalka oo dhan. Waayo xisbigii baryaha qaar soo dhawayn darteed dadku safaf dhaadheer isku  istaagi jiray dariiqyada waawayn ee magaaladda Borama sidda Wadda Shide Bile, iyo Wadda White hourse, ayaa waxay danta & duruuftu baday in ay ka sacab tuntaan garoomo cidlo ah oo cidhifka magaaladda ku yaala. Waxaana durba muuqata weedhii Seed ku tiraabay galabnimadii  maalintii shirka shirqoolka siyaasadeed loogu maleegay. La soco qaybo kale oo muhiim ah hadii allaah idmo.

 

By: Jamal A. Muse                                                                                                                                     
dankaabo@hotmail.co.uk/ jamalabdiya@gmail.com /hirdandheer@gmail.com
Hargeisa Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here