Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo ka qaybgalay shir lagaga hadlayo tamarta

0
672

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici, ayaa maanta ka qayb galay kulanka 8aad ee aagga tamarta, macdanta iyo shidaalka.

Kulankan oo ka qabsoomay magaalada Hargeysa, ayaa waxaa sidoo kale ka qayb galay xubno ka mid ah golaha Wasiirrada, xildhibaano, Agaasimeyaal, masuuliyiin ka socday Hay’addaha kala duwan ee ka hawl gala Somaliland iyo marti sharaf kale.

Kulankan 8aad ee aagga tamarta, macdanta iyo shidaalka, ayaa waxaa soo diyaarisay Wasaaradda tamarta iyo macdanta Somaliland.

Kulankan, ayaa waxaa lagu lafa-guray mawduuca horumarinta aaga tamarta ee Somaliland, fursadaha, caqabadaha iyo halka loo socdo.

Madaxweye ku xigeenka oo ka hadlayay muhiimadda ay leedahay ka shaqaynta danta guud iyo qarannimadu waxaa uu yidhi. “haddii ay danta guud hagaagto qof walba na tiisa gaarka ahi way u hagaagaysaa, haddii aynu tamar jaban helno qof walba gurigiisa ayay ugu tegaysaa manta warshadeheenii la sameeyay boqolkiiba konton way fadhiyaan waxaanay u fadhiyaan waa Tamar,mar kastana waxaynu ku horumaaryanaa sida aynu tamarta uga shaqaysiino manta kamabaynaan baxneen hadii aaanay jirin tamartaa la cusboonaysiiyay shidaalkii oo intaan ka qaylinaynay ka badan ayuu sii kacay,cid kasta oo dalka maalgashanaysana waan soo dhawaynaynaa.” ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Maxamed Cismaan Siciid oo ka hadlay ujeedada kulanka  iyo waxtarkiisa ayaa yidhi. “kulankan oo ah  aagga wadaageyaasha Tamarta macdanta iyo shidaalka oo ah waxyaahaba ay wasaaraddu u aasaasan taha,ujeedada ugu wayn ee kulanku waxa weee in daneeye yaasha aagga tamarta,macdanta iyo shidaalka lagu wadaago wixii xog ah.”.

Waxaa kale oo kuankaa ka hadlay wasiirro, daneeyeyaasha Tamarta iyo macdanta iyo masuuliyiin kale oo dhammantood iftiimiyay sida loogu  baahan yahay ka midho dhalinta khayraadka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here