Madaxweyne Biixi oo Xilkii Ka Qaaday Wakiilkii Itoobiya Ee Somaliland

0
2400

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi,ayaa waxa uu maanta wareegto Madaxweyne uu xilkii kaga qaaday Wakiilkii Somaliland u fadhiyay dalka Itoobiya, Cumar Cali Cabdillaahi Bade.

Madaxweynaha Muuse Biixi, ayaa waxaa uu xilka Wakiilka Somaliland ee Itoobiya u magacaabay Aadan Geedi Qayaad Cabdi.

Hadaba, wareegtada Madaxweynaha, ayaa u dhignayd sidan:-

“Wareegto Madaxweyne.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta oo ay taariikhdu tahay 22/04/2024 uu wareegto Madaxweyne uu xilkii kaga qaaday wakiilkii Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiyey dalka Itoobiya, kuna magacaabay wakiil Cusub.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis.

Ku: Cumar Cali Cabdillaahi Bade

Wakiilkii Jamhuuriyadda Somaliland ee Dalka Itoobiya.

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalmiga ah

Mudane, Waxaan go’aamiyey in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad u haysay Qaranka. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay Xilka Qaranka.

Ujeeddo: Magacaabid.

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waayo-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey:  La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In Aadan Geeddi Qayaad Cabdi laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Itoobiya.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here