Kulan Loogu Gogol Xaadhayay Mashruuca GPE oo Ka Qabsoomay Hargeysa

0
413

Hargeysa (Hargeisa Press)- Waxaa maanta magaalada Hargeysa ka qabsoomay kulan loogu gogol xaadhayay mashruuca GPE (Global Partnership for Education), kaasi oo taageera waxbarashada, kana shaqayn doona horumarinta waxbarashada dalka.

Kulankan, ayaa waxaa furay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland, waxaana ku wehelinaayay Wasiir ku xigeenka iyo Agaasimaha guud, iyadoo ay ka soo qayb galeen Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Qaranka, Agaasime waaxeedada wasaaradda waxbarashada xubno ka socday hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ahba.

Ugu horayn, Agaasimaha waaxda qorshaynta Wasaaradda Waxbarashada, ayaa ku dheeraaday u jeedada kulanka iyo muhiimada mashruucan maanta bilaabmaya iyo sidii loo fulin lahaa.

Gudoomiyaha xafiiska imtixanaadka qaranka Daa’uud Axmex Faarax oo halkaa ka hadlay, ayaa soo dhaweeyay mashruucan, isagoo sheegay inuu laf dhabar u yahay waxbarashada, waxaana uu u mahadnaqay hay’addaha maalgalinaya.

Madaxa hay’adda Save The Children ee Somaliland oo isagu ku hadlayay afka hay’addaha, ayaa sheegay inay diyaar u yihiin sidii ay wasaaradda ula shaqayn lahaayeen ayna ka go’antahay fulinta mashruucani.

Dhankiisa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Cabdirisaaq Jaamac Nuur, ayaa sheegay in mudadii uu mashruucani socday wax badan uu ka taray waxbarashada.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Axmed Aadan Buuxane oo kulanka furay, ayaa dhankiisa soo dhaweeyay mashruucan, isagoo u mahadnaqay maalgaliyayaasha mashruucan, waxaana uu sheegay in wasaaradda waxbarashadu bulshada reer Somaliland uga faa’idayn doonto mashruucan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here