Ciidanka Asluubta oo Bilaabay Diyaargarowga Maalinta Qaranimada Ee 18 May

0
616

Hargeysa (Hargeisa Press)- Taliyaha guud ee Ciidanka Asluubta Somaliland, Sarreeya Guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax), ayaa kormeer ku tagey goobta Ciidanka Asluubta Somaliland ay ka wadaan tababarka iyo diyaar-garowga xuska maalinta Qaran ee 18-ka May 2024 oo dhawaan inagu soo fool leh.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Asluubta, ayaa goobtaas salaan kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Asluubta Somaliland.

Ciidanka, ayaa ku jira gaardis ay ugu sii diyaar garoobayaan maalinta Qaranimada Somaliland oo bilkasta la xuso bishan 5-aad 18-keeda.

Taliyaha, ayaa ciidanka asluubta ee loo xulay ka qayb galka munaasibada xuska 18-ka May, ku boggaadiyay kuna amaanay sida wanaagsan ee ay ilaa hadda u wadaan diyaargarowga maalinta Qaranimida iyo hawl socod siinta ay Qaranka u hayaan.

Taliye Libaax iyo Abaandule Xasan Cali, ayaa waxa ay ciidamada ka codsadeen in gacana ay xuska diyaargarowga kuwadaan, gacana cadowga ku ilaaliyaan.

Madasha loo asteeyay in ciidanka asluubtu ay ku sameeyaan gaardiska diyaargarowga xuska maalinta Qaranimada ee 18-ka May, ayay ku soo badhigeen diyaargarow xoogan oo ay ku muujiyeen kartidooda iyo khibraddooda.

Sannadkasta bishan May, waxa ay ciidamada kala duwan ee Qaranka Somaliland sameeyaan gaardis ay ugu diyaargaroobayaan weynaynta maalintan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here