Madaxweyne Biixi Oo Shahaadooyin Guddoonsiiyay Dufcadii 18aad Ee Jaamacada Hargaysa

0
395

Hargaysa (HP):Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka qeyb-galay Xaflada Qalin-jabinta  dufcadii 18aad ee Jaamacada Hagreysa  oo ay ka qalin-jabiyeen 1,157-Arday kuwaasi oo dhamaystay kulliyadaha kala duwan ee Jaamacada.

Madaxweynaha Somaliland ayaa ugu horaynba hambalyo u diray ardayda  kala duwan ee dhamaysatay kulliyadaha waxbarasho.
<span;>Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in horumarka Somaliland uu ku jiro wada jirka ummadda iyo hoggaankooda.
<span;>Waxa uu Madaxweynuhu kula dardaarmay dhalinyarada inaanay ku kadsoomin xifaaltanka siyaasadeed.
Dhanka kalena waxa uu Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa uga mahadnaqay Xisbiyada mucaaridka iyo madaxdooda doorkooda lex-jeclo iyo hannaanka doorasho ay galleen.
Ugu danbayntiina wuxuu qadaf iyo meel ka dhac ku tilmaamay dadka Xamar lagu uruuriyo ee sheegta magaca Somaliland oo uu Madaxweynuhu sheegay inay nabar ku tahay qaranimada Somaliland, waxaana uu dhalinyarada u hogga-tusaaleeyey inay waddankooda ku difaacaan maskax iyo maal intaba.

https://youtu.be/W7I5evSt_kM

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY