Maamulaha Shirkadda MEECAAD GROUP oo ka waramay fursado Ganacsatada Somaliland kala kulmeen Shir caalami ah oo ay kaga qaybgaleen Turkiga

0
665

Istanbul,(HargeisaPress)-Magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga waxa ka socda Shir ganacsi oo caalami ah oo ay ka soo qaybgaleen ganacsato ka kala yimi wadamo kala duwan.

Shirkan ayaa waxa ka qaybgalay Ganacsato iyo masuuliyiin ka socda dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Ganacsatada Somaliland ee ka qaybgalay Shirkaasi waxa kamida Cumar Aadan Meecaad oo ah Maamulaha guud ee Shirkadda Meecaad Group oo Iibisa qalabka Xafiisyada iyo aaladaha Tiknoolajiyada, sida Computer-da iyo waxyaabaha ee xafiisyada lagaga shaqeeyo, kana mida shirkaddaha waaweyn ee agabka xafiisyada iyo waxbarashada iibiya.

Cumar Meecaad oo xarunta Shirkaasi ka socdo ugu waramay wariyaha Telefishanka Qaranka Somaliland ee Turkiga, ayaa faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha ay Shirkadda MEECAAD iyo ganacsatada kale kulanka kala qayb galay ka faa’ideen, ayaa sheegay inay fursad badan oo daruuri u ah Ganacsigooda kala kulmeen shirka, kuna soo bandhigeen fursadaha waxyaabaha ay somaliland ka heli karaan ka soo qaybgaleyaashu.

“Annaga Meecaad ahaan waa markii labaad ee aanu shir noocan ah kaga soo qaybgalno Turkiga, hore waxaanu shirar ganacsi kaga qaybgalay dalalka Shiinaha, Jarmalka iyo dalal kale. shirka noocan ah faa’ido badan ayey leeyihiin, waxaad ka ogaanaysaa wax badan, waxaad isku xidhmaysaan wershadihii iyo ganacsato kala duwan.

Shirkan waxyaabo badan ayaan kala kulanay, waxaanan u aragnaa inuu fursad weyn leeyahay, waxaana kamida inay ganacsatada Somaliland iyo kuwa dalalka kale ee ka soo qaybgalay iyo kuwa Turkigaba aanu wax badan ka wada hadalnay”ayuu yidhi Maamule Cumar Aadan Meecaad.

Halkan ka Daawo Muuqaal:

LEAVE A REPLY