Madaxweyne Biixi oo Shaaciyey In La Xidhayo Xuduudaha Dalka

0
1600

Hargeisa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu sheegay in gabi ahaanba si dhakhso ah loo xidhayo xuduudaha dalka.

Madaxweyne Biixi oo hadal ka jeediyey Shirkii Golaha Wasiirrada Somaliland ee Khamiista Maanta ku qabsoomay Qasriga Madaxtooyada JSL, ayaa sheegay in qorsheyaasha Xukuumadda ee u diyaar-garowga doorashooyinka qorshaysan 31-ka bishan May ay ka mid tahay in la xidho xuduudaha dalka, taasi oo qayb ka ah dedaallada lagu sugayo amniga iyo daah-furnaanta Doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada Somaliland, kuwaasi oo hal mar dalka laga wada qabanayo.

Shirka Golaha Wasiirrada ee uu Madaxweynuhu hadalka ka jeediyey oo  Ajandihiisu ahaa Adkaynta Amniga doorashada iyo caddaynta xilka golaha wasiirrada saaran, ayaa warbixinno lagaga dhegaystay wasiirrada Wasaaradaha Arrimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, kuwaas oo caddeeyey inay dhammaystireen dhammaanba wixii dhanka Amniga iyo dhaqaalaha la xidhiidha ee dhinacooda looga baahnaa hirgelinta doorashooyinkaas qaranka muhiimka u ah.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo sidoo kale shirka ka jeediyey hadal dardaaran iyo dhiirrigelin ah, ayaa faahfaahiyay baaxadda amni iyo midda dhaqaale ee ay doorashadu leedahay iyo sida ay xukuumaddu uga soo dhalaashay kaalintii kaga aaddanayd.

“Qolada Amnigu waxay inoo warrameen in kharashkii, ciidamadii ammaanka iyo maamulkii ay laban-laabmeen, marka doorashooyinkii hore loo eego, waxana la hawlgeliyey 11,000 oo askari, si 2,800 oo goobood ammaankooda loo sugo, intaana waxa dheer ciidamadii kale oo heegan ku jira oo xuduudaha dhammaantood xidhaya, waana qorshe aad inoogu culus dawlad ahaan, wasaaradda Ammaankuna waxay inoo xaqiijisay in wixii miisaaniyad looga baahnaa hawlahaas dhaqaaqaya ay fuliyeen.”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Geesta kale, Madaxweynaha Somaliland waxa uu caddeeyay in shaqaalaha dawladda iyo ciidamada qaranku mamnuuc ka yihiin, xukuumad ahaanna ay arrintaas dabbaqayaan,“Shaqaalaha dawladdu hadduu ciidan yahay iyo hadduu shaqaale dawladeed yahay siyaasadda wuu ka reebban yahay, waana u dhex oo shaqadii qarankuu wadaa, sharcigaana sidaas ina faraya, waana aynnu ku dhaqmaynaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu xubnaha golaha wasiirrada faray inay gutaan waajibkooda xisbi iyo midka qaran ee ka saaran hirgelinta iyo dardargelinta doorashada, kuna laabtaan gobollada kala duwan ee dalka.

“Siyaasiyiinta, gole Baarlamaan, Dawlado hoose iyo intii Doorasho ku timi, maanta waa siyaasiyiin, waxana ay ku jiraan shaqadoodii siyaasiga ahayd oo ay xaq u leeyihiin oo nin walba laga rabaa inuu hawshiisii siyaasiga ahayd guto, markaa idinka waxa intaas idiin dheer tii siyaasiga ahayd ee xisbi ee aad ka tirsanayd idinkoo tii qarankana metelaya, labadaas koofiyadoodba waa inaad sidooda u fulisaan oo gobolladii la tago,”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here