Imaaraadka oo La Sheegay In Saldhigga Uu Somaliland Ka Samaystay Kaga Hor-tagayo In Turkigu Isku Fidiyo Geeska Afrika

0
3747

Ankara (Hargeisa Press) – Warbaahin laga leeyahay dalka Turkiga, ayaa wax ka qortay xidhiidhka Somaliland iyo Dowladda Imaaraadka Carabta iyo saladhiga uu Imaaraadku ka samaystay Somaliland.

Warbaahinta T54.com oo ka mid ah Warbaahinta Turkiga ee Habka Online-ka Wararka ku soo tebisa, ayaa War-bixin dheer ka qortay Taariikhda Dalka Imaaraadka Carabta, galaangalka siyaasadeed ee ay ku leedahay dunida Carabta, Waqooyiga iyo Bariga Afrika.

Wuxuu ka warramay dagaalka siyaasadeed iyo ka Ciidan ee sida Dadban uga dhexeeya Imaaraadka iyo Turkiga, isagoo Tusaale u soo qaatay Taageeradii uu Turkigu u fidiyey Dawladda Qaramada Midoobay aqoonsan tahay ee Dalka Liibiya iyo Taageeradii Xulafada Imaaraadku ka midka yahay siiyaan Generaal Khaliifa Xaftar oo Liibiya ka wada dagaal uu kaga soo horjeeda Dawladda Fadhigeedu yahay Tripoli.

Wuxuu sheegay in dagaalka siyaasadeed ee labada Dawladood ee Turkiga iyo Imaaraadka Carabta ka dhexeeyaa ku koobnayn oo keliya Taageerada Milletari ee siiyaan dhinacyada iskaga soo horjeeda Liibiya, balse uu dagaalkoodu xidhiidhsan yahay illaa Soomaaliya.

Warbaahinta T54.com, waxay sheegtay in Imaaraadku ka dagaalamayo in Turkigu awooddiisa ku fidiyo Gobolka Geeska Afrika, sidaasi darteed markii Turkigu uu Saldhigga Ciidan ka hirgeliyey Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya uu Imaaraadkuna uu Saldhig Ciidan ka samaystay Magaalada Berbera, maaddaama oo uu xidhiidh la leeyahay Somaliland oo 1991-kii Xornimadeeda kala soo noqotay Soomaaliya.

“Juquraafi ahaan, Imaaraadku wuxuu sii waday inuu Milletari ahaan iskugu fidiyo dhul fog, si uu u sii joogteeyo dib u dhaca Turkiga..” ayuu War-bixintiisa ku sheegay T54.com, waxayna intaa u dartay “Turkigu intuu isku muujinayey Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, Imaaraadku wuxuu Saldhig Ciidan ka dhistay Berbera oo ku taalla Gacanka Cadmeed, isagoo taageeraya Somaliland oo Madax-banaanideeda ku dhawaaqday 1991..”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here