Madaxweyne Biixi oo Ku Dhowaaqay Gudi Heer Wasiiro Ah oo Aas Qaran U Diyaarinaysa Cumar Carte Qaalib

0
1830
Madaxweyne Biixi

Hargeisa (Hargeisa Press) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa ku dhowaaqay gudi heer wasiiro ah oo aas qaran u diyaarinaya Marxuum Cumar Carte Qaalib.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed goordhaweyd ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland, waxaanu u dhignaa sidan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/MG/083-586/112020, uu ku magacaabay guddi aas qaran oo ka kooban siddeed xubnood.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Ku: Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland

Ku: Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga

Ku: Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

Ku: Wasiirka Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga

Ku: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka

Ku: Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta

Ku: Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex

Ku: Duqa Caasimadda Hargeysa

Ujeeddo: Magacaabid Guddi Aas Qaran

Mudanayaal,

Waxa magaalada Hargeysa ku geeriyooday Marxuum Cumar Carte Qaalib oo ahaa aqoonyahan weyn iyo siyaasi rug-caddaa ah, isla markaana Xilka Madaxweynenimo ee Jamhuuriyadda Somaliland kula loolamay Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal shir-weynihii Boorama 1993, sidoo kale xilal kala duwan oo uu ugu weyn yahay Xilka Ra’iisal Wasaare ka soo qabtay Jamhuuriyaddii duntay ee labada dal ku midoobeen ee Somali Republic.

Sidaa darteed, waxaan idiin magacaabay in aad noqotaan Guddiga Diyaarinta Aaska Qaran ee loo samaynayo Marxuum Cumar Carte Qaalib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here