Madaxweyne Biixi oo Ka Hadley Qorshaha Cusub Ee Abiy Ahmed Ku Wajahayo Wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya

0
2134

Hargeisa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka hadlay qorshaha cusub ee la shaaciyay in uu Ra’iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed uu ku wajahayo wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee muddada badan hakadka ku jiray.

Madaxweyne Biixi ayaa maanta warbaahinta la hadlay, isagoo ay bar-bar joogeen Guddoomiyeyaasha labada gole iyo labada guddoomiye ee xisbiyada mucaaridka Somaliland, wuxuuna sheegay inay diyaar u yihiin in dib loo furo wada-hadaladaasi.

Sidoo kale, Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in Abiy Ahmed uu doonayo inuu kulansiiyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay in xukuumadiisu ay diyaar u tahay wada-hadal ay la gasho dowladda federaalka Soomaaliya.

Wuxuu madaxweyne Biixi sheegay in cudurka dunida ku habsaday ee Coronavirus uu xiligan waxkasta ka muhiimsan yahay ka hortagidiisu, balse xiligeeda ay diyaar u yihiin wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo la iskugu imanayo fagaare caalamiya.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here