Madaxweyne Biixi oo Ka Hadley Qorshaha Cusub Ee Abiy Ahmed Ku Wajahayo Wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya

0
2171

Hargeisa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka hadlay qorshaha cusub ee la shaaciyay in uu Raโ€™iisal wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed uu ku wajahayo wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee muddada badan hakadka ku jiray.

Madaxweyne Biixi ayaa maanta warbaahinta la hadlay, isagoo ay bar-bar joogeen Guddoomiyeyaasha labada gole iyo labada guddoomiye ee xisbiyada mucaaridka Somaliland, wuxuuna sheegay inay diyaar u yihiin in dib loo furo wada-hadaladaasi.

Sidoo kale, Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in Abiy Ahmed uu doonayo inuu kulansiiyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Raโ€™iisal Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay in xukuumadiisu ay diyaar u tahay wada-hadal ay la gasho dowladda federaalka Soomaaliya.

Wuxuu madaxweyne Biixi sheegay in cudurka dunida ku habsaday ee Coronavirus uu xiligan waxkasta ka muhiimsan yahay ka hortagidiisu, balse xiligeeda ay diyaar u yihiin wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, iyadoo la iskugu imanayo fagaare caalamiya.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here