“Aroosyadii waa lala dhuumananayaa waxbarashadiina guryaha hoostoodda ayaa”…

0
983

Laascaanood (HP): Jaamacadda Nugaal ee magaaladda Laascaanood waxaa maanta lagu qabtay kulan bulshadda gobolka Sool lagaga wacyigelinayo xanuunka dunida aafeeyay ee Covid-19.

Waxaana kulankaasi soo qaban qaabiyay guddiga heer gobol  ee  ka hortaga Corona Virus ee gobolka Sool, iyo maamulka gobolka Sool.

Kulankaasi wacyigelinta ah waxaa ka soo qayb galay maamulka gobolka Sool, ka degmadda Laascaanood, bahda caafimaadka gobolka Sool, madax dhaqameed, waxgarad, ganacsato iyo dadweyne kale.

Badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, oo hadal ka jeediyay kulankaasi ayaa bulshadda gobolka Sool ugu baaqay in ay galaan feejignaantii ugu saraysay, isla markaana la yareeyo kulamadda iyo xafladaha.

Badhasaabka Sool waxa uu sheegay in la diyaariyay goobtii karantiilka ee loogu tallo haddii ay dhacdo in dad laga hello xanuunka.

Waxaanu yidhi, “Xaruntii Karantiinka waa la sameeyay. Dugsiga boodhinka ah ee Laascaanood ayaana laga dhigay. Cidii wax ku caawinaysa, ama agab ha noqoto ama wax kale ha noqotee, waa loo baahan yahay”.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Guddi baa jirta, heer isu-duweyaal ah oo dawladu soo magacawday. Guddidaasi shaqo badan ayay qabatay, iyo guddiga nabadgeliyadda oo iyad-na la shaqaynaysay. Guddiyadda kale ee garaadku sheegayna waan soo dhawaynaynaa.

Cid waliba in ay ka qayb qaadato waa muhiim, oo wa wax inagoo dhan inoo wada yaalla. Waanad og tihiin aduunka meesha uu marayo xanuunkaasi, waa meel halis ah. Wadamadii awoodda lahaana ma hayaan wax ay kaga hor tagaan, wax ay ku daaweeyaa-na ma hayaan”.

C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa fariin u diray dad uu sheegay in ay Aroosyadda, kulamadda iyo waxbarashadda si dhuumasho ah weli u wadaan.

Waxaanu ku baaqay in bulshadda looga baahan yahay in ay qaataan awaamiirta ay guddiyaddu soo saaraan.

“Wixii awaamiir ah, ee aanu soo saarno, waa in aan fulino, idinku-na aad qaadataan. Waxaan arkayay, Aroosyadii waa lala dhuumananayaa, oo dad baa tuulooyinka la tegaya,  beerraha ayaa lala tegayaa,  guryaha hoostoodda ayaa lala tegayaa.

Waxbarashadii qaar baa meelaha hoose lala tegayaa. Ogaadda, waxa la diidayaa waa isku imaatinka” ayuu yidhi badhasaabka Sool.

Isu-duwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Sool Maxamuud Xaaji Khaliif, ayaa ka warbixiyay u jeedadda kulankaasi oo uu ku tilmaamay mid la xidhiidha sidii qorshe looga yeelan lahaa caabuqa Covid-19.

Waxaanu yidhi, “U jeedadda ugu weyn ee aynu halkan isugu nimid waxa weeye, in aynu wax iska waydiino, in intii inagoo iska fadhina inta xanuun ina soo gallo, uu ina xaaqi lahaa in aynu ka arrinsano, wixii aynu ka yeeli lahayn, oo aynu qorshe ka sii yeelano”.

Geesta kale garaad Jaamac garaad Ismaaciil, oo ka mid ahaa madax dhaqameedkii kulanka ka qayb galay  ayaa tilmaamay in xukuumadda loga baahan yahay in ay diyaariso goobihii dadka lagu baadhi lahaa iyo meelihii lagu karantiili lahaaba.

“Xanuunka ama dhibaatadu, sideedaba ka hor tag ayay leedahay. Xukuumada-na waa la doonayaa in ay kaalin weyn ka qaadato, goob la  cayimo, dhakhaatiir la diyaariyo, baadhitaanka iyo karantiinkuna ay meel gaara inoo joogaan”ayuu yidhi garaad Jaamac.

Dhinaca kale xubnihii kulankaasi ka qayb galay oo isugu jiray madax dhaqameed, ganacsato khubarro caafimaad iyo masuuliyiin kale oo iyagna halkaas ka hadlay ayaa dhankoodda bogaadiyay kulankaasi.

Waxaanay sheegeen in bulshadda looga baahan yahay in ay ku dedaalaan sidii ay nadaafadda kor ugu qaadi lahaayeen, isla markaana ay dadweynuhu sameeyaan wax kastoo lagaga gaashaamanayo xanuunka Corona Virus.

Xubnahaasi ayaa ku dheeraaday sidii bulshadda looga wacyigelin lahaa in laga digtoonaado in xanuunka Covid-19 haddii uu dilaaco bulshadu ugu baraarugsanaan lahaayeen in aanay tegin goobaha dadweynuhu isugu yimaadaan, si aanu qofku dadka kale ugu fidinin xanuunka.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here