Madaxweyne Biixi iyo Weftigii Uu Hoggaaminayay oo Dalka Ku Soo Laabtay

0
1548

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey ee safarka shaqo ku joogay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, ayaa saaka dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo dalka Jabuuti kaga qayb-galay  wada-hadallada u dhexeeya dowladdaha Somaliland iyo Soomaaliya oo heer madaxweyneyaal ku bilaabmay, isla xalayna war-murtiyeed laga soo saaray, ayaa dalka ku soo guryo noqday.

Waxana madaarka ku soo dhaweeyey xubno kamid ah golaha wasiirrada, xildhibaanno, taliyeyaal ciidan iyo xubno kale oo saraakiil ah.

Ujeedada safarka weftiga Madaxweynuhu hoggaaminayo, ayaa salka ku hayay sii ambo qaadida wadahadalladii u dhexeeyey Somaliland iyo Soomaaliya.

Safarka shaqo ee Madaxweynaha iyo weftigiisa, ayaa waxaa ku wehelinaya wasiirrada wasaaradaha horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), Arrimaha Gudaha, Maxamed Kaahin Axmed, Waxbarashada iyo Sayniska, Axmed Aadan Buuxane iyo Ergeyga gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya Marwo Edna Aadan Ismaaciil oo iyadu dalka Jabuuti kaga sii horraysa weftiga Madaxweynaha.

Kulankii dalka Jabuuti uga socday Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa laga soo saaray war-murtiyeed.

War-murtiyeedka laga soo saaray shirkaasi oo ka koobnaa siddeed qodob, ayaa waxaa labada dhinac u kala saxeexay labada Wasiir ee Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaliya Axmed Macalin Fiqi.

Waxaa ka mid ah qodobbada lagu heshiiyay ee warmurtiyeedka lagu sheegay in dib loo bilaabo wadahadallada labada dhinac, iyadoo diiradda la saarayo arrimaha masiiriga ah, si loo gaadho xal-waara.

In muddo 30 maalmood gudahood go’aan looga gaadho hannaanka geedi socodka wadahadaladaas, iyadoo lasoo magacaabayo guddiyo farsamo oo fududeeya wadahadallada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here