Madaxweyne Biixi: Cumar Carte Sababihii Dilka Loogu Xukumay, Waxa Ay Ahayd SNM Ayaad Samaynaysaa

0
1908

Hargeisa (Hargeisa Press)– Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka qeyb galay aas qaran oo magaalada Hargeysa loogu sameeyay marxuum Cumar Carte Qaalib.

Madaxweyne Biixi ayaa waxaa si qotodheer uga waramay taariikhdii faca weynayd ee marxuum Cumar Carte iyo saamayntii uu siyaasada ku lahaa.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland ayaa waxaa uu soo bandhigay sababihii ka dambeysay dilkii lagu xukumay Cumar Carte Qaalib 1989 iyo ujeedkii laga lahaa.

“Cumar Carte Qaalib qof walba oo Af-soomaali ku hadlaa wuu garanayaa Dawladdo badan iyo aqoonyahan badan oo Caalamka kamida, dad badan oo uu wax baray ayaa dalkan wax badan taray oo magac ku yeeshay, February 1960kii markii doorashada la helay ee la geli doono shirkii isku darka wuxuu ahaa Aqoonyahankii ku taliyey waar dib halloo dhigo raacsanaa ee labada Xisbi u kala dab qaaday, markii uu shaqeeyey ee uu  Magaalada Hargeysa ka ahaa Dhiisayga (Badhasaab) wuxuu ahaa ninkii ugu horeeyey ee  Dibjir guryo loo sameeyo ee sekeda la yidhaahdo Dibjir Band sameeyey, Markii uu Moosko loo magacaabay ee uu Xoghayaha ka ahaa Safaaraddii uu Qeybe ka ahaa Safiirka wuxuu ahaa  dadkii diyaariyey Daraafkii uu Cabdirashiid doonayey in ciidamada ay nasiiyaan, kolkii danbena uu safiirkii  Addis ababa inta badan ku raagay”.

“Cumar Carte Taariikh la yaab leh buu sameeyey oo siyaasada ah, wuxuu Taariikhda ku gelayaa Cumar Carte markii Siyaad Barre ka leexday majarihii Dawladd ee Soomaali wax u tarayey wuxuu hormuud ka ahaa isaga iyo Ismaaciil Cali Abokor raggii yidhi waar joog waad qaldan tahay ee dalka tan ka daa, Ismaaciil Cali Abokorna wuxuu ahaa ninkii gudaha u hanuuniyey ee todobada Sannadood u hayey wasaaradda warfaafinta iyo Iclaanka ee dhammaan dadka maskaxdooda Kacaanka u hanuuniyey iyagoo markaa iyagu niyad Saafiya la wada, habeen buu ciidan koofiyad cas ah ku fayliyey labadoodiiba todoba sanno oo Labaatan jirow ah buu geliyey labadoodiiba, markii uu Hargeysa uu garaacay ee gurigii Cumar Carte iyo ka ku xiga ee uu lahaa Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo ka ku xiga ahaa Xasan Bakayr Saddexdaba uu dhulka la simay ayuu labadoodaba dil ku xukumay, iyagoo labadooda oo keliyi Silsilada ku xidhan, todoba wasiir baa lala xidhay shantii kale lama keenin Maxkamada labadooda iyo aqoonyahan 17 ah oo ay isku qolo yihiin baa la keenay ina Dusaa kamida oo nool  waxaa kamida Eng Saleebaan Nuux”.

“Markii Hargeysa la dumiyey ee dagaalkii adkaaday ee Gaal iyo Islaama arkay Hargeysa waxa ku dhacaya ayaa laga sii daayey, dadbaa yidhaahda wuu saamaxay muu saamixin ee taagg baa loo sheegtay dedaal iyo dhiig baa lagu sii daayey isaga iyo ragga kaleba, markii la sii daayey Cumar Carte 100-kii nin ee manafeestada ahaa baa u ergo tegay waxaa la yidhi maanta Soomaliyi kaama maarantee noqo Ra’isal Wasaare arrin qadhaadh bay ahayd nin qoyskiisii la laayey oo gurigiisii dhulka lala simay oo dadkiisii qaxoonti loo diray, inta maanta halkaa iyo Xamar ka wada hadlaysa ayaa boqol ergay ugu tageen oo Cumarow maanta taariikhdaadii nagu gunto lagu yidhi, Ra’isal Wasaarihii buu noqday waa la dhegaysan waayey, maxay dawladdaasi u duntay oo Cumar loo dhegaysan waayey?”.

“Cumar markii ciidamadii Jabhaduhu dalka soo galeen wuu taliyey si xasuuqu u yaraado si dhimashadu u yaraato wuxuu yidhi ciidamadda Jabhadaha ah ee soo galay Somaliland SNM hubka haloo dhiibo SSDF haloo dhiibo inta kalena Caydiid hubka haloo dhiibo oo hubka shicibku gacanta ku hayo halagu wareejiyo Jabhadahaa maxaa ka dhacay? Maantay qoloda koonfureed ku qoraan khaayin buu ahaa oo isagaa dalka dumiyey, muu ahayn khaayin, wuxuu daydayaayey inay dhimashadu yaraato laba kun (2,000) oo hubaysan  oo Koonfur ah ayaa inta uu janankii la odhan jiray Caare yimi Burco laga kaxeeyey oo Xasan Kayd iyo Maxamed Kaahin farta ka saareen taariikhda in la qaldo maaha.

“Maxaa Cumar Carte dil loogu xukumay?  SNM baad samaynaysaa baa lagu dilaayey isaga iyo Ismaaciil Cali Abokor, waa kii 1997-kii inoo yimi ee ka shaqaynayey nabada ee shirkii danbena joogay ee lagu dhisaayey Somaliland ilaa uu Cigaal ahaa ninkii shirkaa kasoo baxay, horta Cumar waa ninka taariikhdaa iyo mid ka badan leh, maanta Xamar waxa ka socota waxaad moodaa sawirkii in sawirkii Ismaaciil Cali  Abokor, Cumar Carte iyo Silaanyo lahaayeen waar ka daa, maanta ninka Guurtida xukuma ee la yidhaahdo Cabdi Xaashi iyo dawladda Xamar ka dhisan waa Sawirka,Sawirkiisii baa maantana Xamar ka taagan waxaa se nacasnimo haysaa kuwo u tegay ee leh Xamar hanalagu doorto, Cumar Carte  Alle haw naxariisto”.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here