Cumar Carte Qaalib oo Aas Qaran Loogu Sameeyay Hargeysa iyo Madaxweynaha Somaliland oo Ka Qeyb Galay

0
1294

Hargeisa (Hargeisa Press) – Alle ha u naxariistee waxaa saaka magaalada Hargeysa lagu aasay siyaasigii caanka ahaa ee Cumar Carte Qaalib, oo shalay ku geeriyooday isla magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka qeyb galay aaska Marxuum Cumar Carte Qaalib.

Sidoo kale, waxaa aaska marxuum Cumar Carte ka soo qeyb galay qaar ka mid ah wasiirada xukuumada, masuuliyiinta xisbiyada mucaaridka, Siyaasiyiin, aqoonyahan, waxgarad, culaa’udiin iyo dadweyne aad u tiro badan.

Marxuum Cumar Carte Qaalib oo indhawaalaba ku xanuunsanayay magaalada Hargeysa ayaa waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii Soomaaliya, waxa aanu ahaa ruug-caddaa muddo dheer soo shaqeynayay, Carabta, Afrika iyo Caalamkana aad looga yaqaannay.

Saameynta uu siyaasadda ku lahaa waxay kasoo billaabatay xilligii gumeystaha, wuxuuna kaalmo muhiim ah kasoo ciyaaray dowladihii ka jiray Soomaaliya ilaa burburkii kaddib.

Cumar Carte Qaalib ayaa sannadkii 2002, ku soo laabtay Somaliland, isaga oo madax ka noqday ururkii Hormood, oo ka qayb galay doorashadii dawladdaha hoose ee bishii December, ururkaasi ayaan ka mid noqon saddexdii xisbi ee ka soo baxay doorashadaasi.

Cumar Carte Qaalib dadka yaqaanaa, waxa ku tilmaameen in uu ahaa siyaasi karti badan oo qunyar socod ah, waxaana uu ahaa nin isku kalsoon hankiisu sareeyo.

Akhriso: Taariikh Nololeedkii Cumar Carte Qaalib

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here