Madaxweyne Biixi: Ciidanka Qaranku Maanta Iyada oo Aan La Ina Ictiraafin Ayuu Ka Xoog Weyn Yahay Ciidamada Kuwa La Ictiraafay

0
952

Hargeisa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay munaabadda xuska sannad-guurada 26-aad ee kasoo wareegtay Aas-aaska ciidanka qaranka, ayaa ka waramay duruufihii iyo marxaladihii ay soo mareen ciidanka qaranka Somaliland oo haatan ah cudud ku filan difaaca qarankiisa.

Madaxweynuhu waxa uu hoosta ka xarriiqay inay ciidamada qaranku guteen waajibkii saarnaa, islamarkaana iskaashiga iyo wada-shaqaynta dhexdooda ahi keentay inuu qarankani guulaysto,.

“Ciidanka qaranku maanta iyada oo aan la ina ictiraafin ayuu ka xoog weyn yahay ciidamada kuwa la ictiraafay, ka Edaab wanaagsan yahay oo ka adkaysi badan yahay, ciidamada qalabka sida ee kala duwan dhammaantood waxa uu qaranku ugu mahadnaqayaa iskaashi amni iyo xilkii la saaray inay guteen, maantana waxa si wacan u wada shaqaynaya oo isku xidhan ciidanka qaranka, ka Booliska, ka asluubta, ka socdaalka, ka badda iyo ka wardoonka oo haddii ay isku baahdaan daqiiqado dhexdood ku xidhiidha,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi sheegay inay ciidamada qaranku dalkooda magac iyo taariikh uga tagaan oo aanay ahayn dheef raadis.

“Adduunyada ninna magac buu u joogaa, ninna dheef buu u joogaa, Ciidamada qaranku waxad ogaataan inay magac doontaan, dalkana wax uga tagaan oo aanay dheef doonin, waanan ku hambalyeynayaa doorashadooda.”

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here