Taliye Nuux Taani oo Sheegay In Ciidamada Qaranka Somaliland Dedaal Ugu Jiraan Sidii Ay Uga Mid Noqon Lahaayeen Ciidamada Ugu Awooda Badan Geeska Afrika

0
1529

Hargeisa (Hargeisa Press)- Taliyaha ciidanka qaranka Somaliland Sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa wuxuu sheegay in Ciidamada Qaranka Somaliland dedaalka ay ugu jiraan sidii ay uga mid noqon lahaayeen ciidamada ugu awoodda badan gobolka geeska Afrika.

Taliye Nuux waxa uu caddeeyey inay ciidamada qaranku nafta u hureen difaaca qarannimada, islamarkaana ay ku guulaysteen sugidda xuduudaha dalka iyo gacansiinta shacabka.

“Laga soo bilaabo sannadkiisii koowaad ilaa maanta oo uu 26-jirsaday wuxuu ciidanka qaranku heegan u ahaa difaaca qarannimada lama taabtaanka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxana uu diyaar u yahay inuu u huro naftiisa qaaliga ah, wuxuuna ku tallaabsaday fidinta maamulka dawliga ah, sidii uu u sugi lahaa dhammaanba xuduudaha Somaliland iyo gacansiinta ciidamada kale iyo hay’adaha kale ee dawliga ah marka ay sugayaan amniga qaranka iyo gacan siinta dadweynaha marka ay timaaddo xaalad degdeg ahi.”.

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY