Madaxweynaha Turkiga oo Muqdisho Imaanaya Maalinta Bari

0
953

Hargeysa, (HargeisaPress) —Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyib Erdogan ayaa kusoo wajahan Muqdisho maalinta Jimcaha ah ee nagu soo foolka leh, waxaana Muqdisho soo gaadhay wafdi hordhac u ah imaanshaha madaxweynaha dalka Turkiga.

Recep Erdogan ayaa maanta oo Khamiis ah booqasho ku tagaya xarunta Itoobiya ee Addis Ababa, halkaasoo uu kula kulmi doono madaxweynaha dalka Itoobiya, Mulatu Teshome iyo ra’iisul wasaaraha dalkaas, Hailemariam Desalegn.

Wafdiga Turkiga ah ayaa waxaa ka mid ah tiro ka mid ah golaha wasiirrada dalkaas, xildhibaanno iyo ganacsato, iyagoo dalka Itoobiya kala hadli doona arrimaha ganacsiga iyo xiriirka labada dal.

Sidoo kale, Erdogan ayaa tagi doona dalka Jabuuti oo uu kula kulmi doono madaxweyne, Ismaaciil Cumar Geelle, iyadoo Erdogan uu safarkiisa kusoo xidhi doono Soomaaliya oo uu imaan doono Jimcaha.

Erdogan ayaa booqashadiisa Jimcaha uu ku imaanayo Soomaaliya ay noqon doontaa tii labaad, kaddib markii uu sannadkii 2011-kii uu yimid Muqdisho, xiligaa oo uu ahaa ra’iisul wasaare, iyadoo Soomaaliya ay ka jirtay macluul daran oo ka dhalatay abaaro ku dhuftay inta badan gobollada Soomaaliya.

Dowladda Somalia weli si rasmi ah ugu dhawaaqin booqashada la filayo in madaxweynaha Turkiga ku yimaado Muqdisho ayaa haddana waxaa socda diyaar-garow balaaran oo loogu jiro soo dhaweynta wafdigan.

Waddooyinka magaalada oo dhan ayaa la xidhay, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay, waxaana sidoo kale la joojinayaa maalinta Jimcaha gabi ahaan duulimaadyadii garoonka diyaaradaha Soomaaliya kasoo dagi jiray oo ay ka mid tahay diyaaradda Turkish Airlines.

 

 

HargeisaPress News Desk  — Hargeysa
info@hargeisaPress.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here