Nuxurka Khudbad Madaxweyne Siilaanyo Ujeediyay Ciidanka Qaranka Aagga Barri iyo Socdaalkiisa Laascaanood + SAWIRRO

0
1018
Laascaanood, (HargeisaPress) — Abaaro 9:00Am ama subaxnimo ayuu madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo gaadhay magaalo madaxda Sool ee Laascaanood, waxaana halkaa si weyn ugu soo dhaweeyey shacbi aad u tiro badan oo ka socda bulshada qaybeheeda kala duwan oo kaga horyimid duleedka magaalada, kadibna madaxweynaha iyo weftigiisa u sii gelbiyey gudaha magaalada, isaga oo madaxweynuhu shacbigii isugu soo baxay wadada hareeraheeda salaan gacantaaga u fidiyey.Intaasi ka dibna waxa madaxweynaha la geeyey Xamdi hotel oo madaxweynaha ay ku sugayeen kumanaan dad ah iyo cuqaal aad u tiro badan, halkaasina waxa hadalo ka soo jeediyey garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, Garaad Cabdilaahi Maxamed Guuleed, Suldaamo kale, Chief Caaqilo, Gudoomiyaha Bahweynta Nabada Marwo CARFI JAAMAC CALI, Maayarka Magaalada, Badha-saabka gobolka, masuuliyiin kala duwan, oo uga mahadnaqay safarka uu ku yimid gobolka, markii labaad balse kala duwan labadaasi wakhti marka loo eego xiliyada laga soo gudbay, iyaga oo ku tilmaamay isbedelkaasina mid waxqabad oo ka gobol ahaan ay qirayaan in xukuumadani ay wax weyn u qabatay sool.dhinaca xukuumadana waxa halkaasi ka hadlay wasiirka Warfaafinta, cukuse, Wasiirka hawlaha Guud cabdirisaaq, Wasiirka Biyaha, Xuseen, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali warancade oo madaxweynaha ku soo dhaweeyey markii danbeMadaxweynaha Somaliland wuxuu uga mahadnaqay Bulshada reer Sool soo dhawaynta ay soo dhaweeyeen madaxweynaha iyo weftigiisaba, isaga oo madaxweynuhu yidhi alle ha idin karaameeyo hana idin sharfo, waad nasharafteene, wixii baahiyo ka jira gobolkana waxa aanu halkan maanta u marayno ayaa kow ka ah, diyaarna waxaanu u nahay mar walba in aanu idin barbartaagnaano ka xukuumad ahaan.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu  kormeer ku soo maray fadhiisimada ciidamada qaranka Somaliland ee jiidaha hore ku sugan, isaga oo madaxweynuhu salaan ka qaatay ciidamada qaranka, ka dibna taliyaha ciidanka qaranka Sareeye gaas Ismaaciil Shaqale iyo wasiirka gaashaandhiga Somaliland, ayaa ciidanka sharaxaad ka siiyey madaxweynaha oo socod lug ah ku soo mariyey ciidamada halkaasi ku sugnaa badan kooda, sidoo kale waxa uu madaxweynuhu kormeeray xarumaha taliska ciidamada qaranka.

Madaxweynuhu wuxuu hadal u jeediyay Ciidanka waxaanu yidhi “Aad iyo aad ayaanu aniga iyo weftiga ila socdaaba ugu faraxsanahay inaanu maanta idin la joogno Oo Ciidamada Qaranka jiida hore u nimaadno. Aad baanu idiinku faannaa, aadbay umaddu idiinku faantaa, waxaad tihiin dadkii Umadda iyo dalkan daafacayay ee heeganka u ahaa, daacadda u ahaa,mar walba heeganka u ahaa inay naftooda u huraan daafacaddiisa iyo midnimada dalka, annaguna aad baanu idiinku mahadcelinaynaa oo idiinku faanaynaa. Waxaanu idiinku nimid inaanu idin aragno oo inkasta oo masuuliyiintiinu nooga kiin waramayaan haddana indhahayaga idinku aragno oo xaaladdiina ogaano oo diin mahadnaqno oo idin faannino”

HargeisaPress News Desk  — Hargeysa
info@hargeisaPress.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here