Guddoomiyaha Sool Oo Hanbalyadda Ciidul Fidriga U Diray Bulshadda

0
418

Laascaanood (HP): Guddoomiyaha gobolka Sool ayaa dhanbaal hanbalyo ah u diray guud ahaanba ummada reer Somaliland gaar ahaana bulshadda gobolkaasi, munaasibadda Ciidul Fidriga awgeed.
C/qani Maxamuud Jiidhe, oo caawa warbaahinta kula hadlay magaaladda Laascaanood ayaa bulshadda gobolkaasi ugu hanbalyeeyay dabaal dega munaasibadda Ciidul Fidriga ee beri ah.


Waxaanu Alle SWT uga baryay inuu ka aqballo acmaashii khayrka ahayd ee ay dadku soo guteen intii lagu jiray bisha Ramadaan.
Geesta kale, guddoomiyaha Sool waxa uu bulshadda gobolkaasi u diray fariimo ku aadan xuska maalinta qaran ee 18-ka May, iyo sidoo kale doorashooyinka qorshaysan in ay iska 41-ka bishan May dalka ka qabsoomaan.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY