Madaxweynaha Somaliland oo xadhigga ka jaray Huteelka dawliga ee Hargeysa Club

0
1106

Hargeysa (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu xadhigga ka jaray huteelka dawliga ah ee Hargeysa Club oo ay dowladdu dib u casriyeysay.

Munaasibadda xadhigga lagaga jarayey huteelkan oo ay madaxweynaha kala qaybgaleen xubno kamid ah golaha wasiirrada, madax ka socotay hay’adaha kala duwan ee dowladda, badhasaabka gobolka Maroodijeex iyo marti-sharaf kale, ayaa laga jeediyey hadallo diiradda lagu saaray muhiimadda uu huteelkani u leeyahay dawladnimada iyo sida uu meesha uga saaray baahidii xukuumaddu u qabatay inay yeelato Huteel ay gaar u leedahay.

Ugu horrayn, agaasimaha guud ee madaxtooyada, Maxamed Cali Bile oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday dedaalka ay xukuumaddu u gashay in la helo huteel casri ah oo dawladdu leedahay, kaas oo si fudud loogu marti gelin doono cid kasta oo dawladda u timaadda.

Guddoomiyaha gobolka Maroodi-jeex, Maxamed Axmed Caalin (Tiimbaro), ayaa dhankiisa madaxweynaha ku bogaadiyey go’aanka uu qaatay sidii uu huteelkani ugu soo noqon lahaa gacanta dawladda, islamarkaana laga dhigo mid casri ah oo la jaanqaadaya dhammaanba huteellada gaarka loo leeyahay.

Wasiirrada wasaaradaha Ganacsiga iyo Hawlaha Guud, Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) iyo Mustafe Godane oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa si qoto dheer u sharraxay dedaalka uu madaxweynuhu u galay in xukuumaddu yeelato huteel casri ah, lagana maarmo baahidii loo qabay huteellada gaarka loo leeyahay.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda hadal kooban ka jeediyey, ayaa bogaadiyey cid kasta oo kaalin ka qaadatay inuu huteelkani hirgalo, waxana uu ku tilmaamay guul weyn oo qaranku gaadhay dheeftiisana loo wada aayi doono.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here