Madaxweynaha Somaliland oo Tababar U Soo Xidhay Ciidan Cusub

0
1709

Mandheera (Hargeisa Press)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa waxaa uu maanta tababar u soo xidhay ciidan cusub, kuwaasi oo dhamaystay tababar muddo u socday.

Ciidanka cusub, ayaa dhan 530 (shan boqol iyo soddon) askari oo tababar ku dhammaystay dugsiga tababarka ee Madheera ee degmada Mandheera, waxayna iskugu jiraan Boolis, Asluub iyo Dhallinyaro shaqo qaran ah.

Ciidanka tababarka loo soo xidhay, ayaa sidoo kale waxaa ay Madaxweynaha hortiisa ku sameeyeen gaardis iyo gaaddo-ka-ciyaar ay ku muujinayaan xirfadihii la baray muddadii ay carbiska ku jireen.

Geesta kale, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayay oo ka soo laabtay safar shaqo oo ay ku tageen gobollada Togdheer iyo Saaxil, ayaa maanta si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Abdaal ee degmada Mandheera.

Dadweynaha ku dhaqan deegaanka Abdaal oo ay hormuud u yihiin maamulka degmada Mandheera, cuqaasha, waxgaradka iyo haldoorka bulshada, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kaga hortagay jihada bari ee magaalada Abdaal, iyaga oo safaf dhaadheer u taagnaa waddada dheer ee magaalada hormarta.

Soo dhaweynta kaddib waxaa madaxweynaha iyo weftigiisu ay shacabkii soo dhaweeyay kala hadleen goob loo diyaariyay, waxana halkaas laga jeediyay hadallo loogu mahad-naqayo shacabkii soo dhaweynta u soo baxay, islamarkaana uu lagaga sheekaynayo waxyaabihii ay xukuumaddu ka hirgelisay.

Madax-dhaqameed deegaanka ka soo jeeda oo ay kamid yihiin Ugaas Caydaruus, Suldaan Shabcaan, Suldaan Cali Saleebaan, Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh, Chief Caaqil Khadar Jaamac Caarre oo halkaas ka hadlay, ayaa shacabka reer Abdaal uga mahadnaqay soo dhaweyntooda, iyaga oo kula dardaarmay inay midnimadooda adkaystaan, horumarka degmadana u midoobaan.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda soo afmeeray, ayaa waxaa uu kula dardaarmay bulshada degmada Mandheera inay nabadda iyo wada-jirkooda ilaashadaan, β€œDhammaanteen waa inaynu nabadda iyo horumarka gacmaha isu qabsannaa, is jeclaanno oo wax wada qabsannaa”.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here