Madaxweynaha Somaliland oo Qaranka Ka Tacsiyadeeyey Geerida Ku Timid Marxuum Axmed Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal

0
2880

Hargeisa (Hargeisa Press) — Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa dhambaal tacsi ah u diray eheladii, Qaraabadii iyo Qaranka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Axmed Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ahaa wiilkii madaxweynihii hore ee Somaliland Md Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ku geeryooday magaaladda Damaam ee dalka Sucuudi Arabiya.

Sidaasna waxa lagu sheegay qoraal tacsi ah oo kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland soona gaadhey Warbaahinta Hargeisapress, oo u dhignaa sidan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 19/03/2020, dalka Sacuudi Arabiya, gaar ahaan magaalada Damaam.

Waxaanu Madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi Ilma Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo dhammaan qoyska, ehelada iyo qaraabada Ilma Xaaji Ibraahim Cigaal meel ay joogaanba, Marxuumka oo uu dhalay madaxweynihii labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland, Maxamed X. Ibraahim Cigaal ayaa u geeriyooday xanuun dhinaca wadnaha ah oo ku soo booday.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, siyaasiyiinta, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Dhinaca kale, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md Saleebaan Yuusuf Cali Koore, Wasiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta ,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md Cabdinaasir  Cumar Jaamac, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md Mukhtaar Maxamed Cali , Agaasimaha Telefishanka Qaranka Somaliland Md Maxamed Xasan Cali (Weji) iyo Guud ahaan madaxda iyo shaqaalaha wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland waxay tacsi u dirayaan eheladii, Qaraabaadii, Asxaabtii iyo Qaranka Somaliland ee uu ka baxay Marxuum Axmed Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ahaa wiilkii madaxweynihii labaad ee Somaliland Md Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo ku geeryooday magaalada Damaam ee dalka Sucuudi Arabiya .

Waxay Ilaahay uga baryayaan Marxuumka in uu Janooyinkiisa ka waraabiyo, Eheladii iyo Qaranka Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Iiman ka siiyo.

 

Hargeisa Press Desk/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here