Madaxweynaha Somaliland Oo Isku Shaandhayn Ku Sameeyay Xukuumadiisa

0
612

Hargaysa (HP): Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa isku shaandhayn ku sameeyay golihiisa wasiirrada iyo agaasimeyaal guud oo ka tirsan xukuumadda.

Sidaasina waxaa lagu sheegay wareegto uu maanta soo saaray madaxweyne Biixi.

Wareegtadaasina waxay u dhignayd sidan:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadahoodu yihiin JSL/XM/XKQ/222/1-387/122019 iyo JSL/XM/WM/222-388/122019 uu xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey xubno ka mida golaha wasiirada.

Waxaanay u dhignaayeen wareegtooyinka madaxweynuhu sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Ku: Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax       Wasiirkii hore ee Wasaaradda Cadaaladda;

Ku:  Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin)

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

Ku: Cismaan Aadan Jaamac

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

Ku: Xuseen Ibraahim Xasan Buuni

Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

Ku: Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxummed Warsame

Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hannan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalka aad hayseen ee kor ku xusan.

Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka.

Ujeeddo: Magacaabid

(Markaan Arkay:              Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Arkay:               Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay:        In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:         La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

Tir.

Magaca

Xilka

  1. Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

2.Axmed Maxamed Diiriye Cige

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska

3.Siciid Sulub Maxamed Xuseen

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga

4.Saleebaan Yuusuf Cali Koore

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka

5.Maxamed Muuse Diiriye Wacays

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha

6.Mustafe Maxamuud Cali Bile

Wasiirka Wasaaradda Caddaalada

7.LiibaanYuusuf Cismaan Xuseen

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah

8.Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

9.Mahdi Cabdillaahi Cismaan Maxamed

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka

  1. Muuse Ibraahim Yuusuf Salaf

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda

11.Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse

La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Doorashooyinka

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here