Somaliland: Golaha Wakiilada Oo Ansixiyay Xeerka Garyaqaanka Guud

0
664

Hargaysa (HP): Mudanayaasha  Golaha   Wakiilada  ayaa  Ansixiyay  Xeerka  Garyaqaanka guud   Fadhigii  Golaha  Wakiilada  ee shalay  oo  uu  Shirgudoominayay   Guddoomiyaha  Golaha  Wakiilada  Baashe  Maxamed  Faarax  ayaa  Mudanayaasha  Golaha  Wakiilada  ku ansixiyeen    Xeerka Garyaqaanka guud.

Fadhigii   maanta  ee  Golaha  Wakiilada   oo uu Shirguddoominayay  Guddoomiyaha  Golaha Wakiilada  Baashe  Maxamed  Faarax ayay    Mudanayaasha  Golaha Wakiilada  ayay    cod  gacantaaga ku meel mariyeen Xeerka  Garyaqaanka  guud.

Xeerkan  Garyaqaanka   guud  oo  Mudanayaasha  Golaha  Wakiilada  wax ka badal iyo  kaabis ku sameeyay ayaa  waxa   ay   Cod u qaadeen    Xeerka  Garyaqaaanka guud   waxaana   ogolaaday in la ansixiyo   24  waxaana  diiday   1  Xildhibaan  halka uu ka  diiday hal  Xildhibaan  halka halka  ay ka aamuseen    14  Xildhibaan  Guddoomiyuhuna  aanu codayn.

Sidoo kale  Xoghayaha guud ee Golaha  Wakiilada  Cabdirisaaq  Siciid  Ayaanle ayaa  ka sheegay fadhigaas u jeedada loo sameeyay  Xeerka  Garyaqaanka guud.

Waxaanu yidhi“Ujeedada  Xeerkan waxa weeye in lagu dhiso Xafiis dawlada uga  masuul noqon doona  Adeegyada   Sharci ee  Laamaha dawlada u baahanyihiin  si loo buuxiyo  Adeegyada  Sharci  ee Dawalada isla markaana lagu mideeyo qaabdhismeedka Xafuiska  Garayaqaanka  guud,”.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here