Madaxweynaha Somaliland Iyo Waftigii Uu Hoggaaminaayay Oo Gaadhay Dalka Ingiriiska Si Weyna Loogu Soo Dhaweeyay Caasimadda London + SAWIRRO

0
913

 

London, (HargeisaPress) — Madxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo Waftigii uu hoggaaminaayay ayaa soo gaadhay Waddanka Ingiriiska, waxaana si weyn loogu soo dhaweeyay Caasimadda London.

LON 23

Madaxweynaha Somaliland iyo Waftigiisa oo maal mihii u danbeeyay booqasho rasmiya ku joogay dalka Jamhuuriyadda Ireland, waxay kulamo kala duwan la qaatay muddadii ay dalkaasi ku sugnayeen Madaxda ugu saraysay Waddanka Ireland.

Waftiga Madaxweynaha oo xalay ka soo degay Garoonka Diyaaraha ee Heathrow Airport  waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay Jaaliyada ku dhaqan Magaalada London.

 

Wasiirka arrimaha debadda Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, oo kamid ah Waftiga Madaxweynaha oo hadal u jeediyay dadkii soo dhaweyay wuxuu uga waramay socdaalka Waftiga iyo kulamadii ay la soo yeesheen Madaxda waddanka Ireland, kuwaas oo uu Wasiirku ku tilmaamay inay ka soo baxeen midha dhal wax weyn ka tari doona qadiyada iyo himilada shacbiga Somaliland.

 

Madaxweynaha Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa isna u mahad naqay dadkii sida weyn ee xamaasada leh u soo dhaweeyay, wuxuuna sheegay inuu guul ugu soo dhamaaday socdaalkii Waftigu hoggaaminaya ku tageen dalka Ireland, dhinaca kalena wuxuu Madaxweynuhu qurba jooga ugu bushaareeyay in dalkii lagu nabad qabo wax dhibaato ahnina aanay ka jirin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here