Madaxweynaha JSL Oo Shir Guddoomiyay Shirka Guddiga Fulinta Xisbiga KULMIYE

0
998

Hargeysa (HP): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shir-guddoomiyey shir ay maanta yeesheen guddida fulinta ee xisbiga KULMIYE oo ka qabsoomay xarunta dhexe ee xisbigu ku leeyahay caasimadda Hargeysa.


Kulankan oo uu madaxweynaha ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo xubnaha guddida fulinta, ayaa diiradda lagu saaray muhiimadda ay leedahay dardargelinta hawlaha xisbiga, iyada oo warbixin dheer lagaga dhegaystay guddidii xisbiga katirsanayd ee uu hoggaaminayey guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi-dheere, taas oo dhawaan socdaal shaqo kusoo martay gobollada kala duwan ee dalka.


Ugu horrayn, wasiirkii hore ee maaliyadda, Mudane Cabdicasiis Maxamed Samaale, ahna xubin katirsan guddida fulinta xisbiga KULMIYE oo ku hadlay Afka guddidii xisbiga ee dhawaan soo martay gobollada dalka, ayaa si qoto dheer u sharraxay kulamadii kala duwanaa ee ay lasoo yeesheen bulshada deegaannadii ay soo mareen, waxana uu xusay in bulshadu u heellan tahay xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE.

Dhawaaqyadii sharciyadda iyo qarannimada baalmarsanaa ee dhawaan kasoo yeeshey hoggaanka axsaabta mucaaridka, ayaa sidoo kale kulanka lagaga wada hadlay, iyada oo la gorfeeyey aragtida xisbi ahaan ay ka qabaan sidii loo wajahi lahaa tallaabooyinka qaanuunka baalmarsan ee ay mucaaridku qaadeen.

Qodobbadii kasoo baxay shirka guddida fulinta, ayaa markii uu shirku soo dhammaaday waxa saxaafadda u akhriyey xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE, Mudane Faysal Cabdiraxmaan Madar, waxana hadalladiisii kamid ahaa,“Xisbigu waxa uu hadalkii kasoo yeedhay axsaabta mucaaridka ah ku tilmaamay mid sharci-darro ah oo qaranjebin ku ah dalka, sidaa darteedna aanay xuquuq sharci ku lahayn qaranka.”

Xoghayuhu isaga oo sii sharraxaya qodobbada shirka kasoo baxay waxa uu intaas kusii daray,“Xisbigu waxa uu madaxweynaha qaranka, ahna guddoomiyaha KULMIYE ku ammaanay ilaalinta iyo dhawrista Dastuurka iyo xeerarka ka dhambalma, waxana ay usoo jeediyeen madaxweynaha inuu dulqaad muujiyo sidii uu horeba ugu sifaysnaa, hase yeeshee aanu dulqaadkiisu noqon mid shuruucda dalka wax u dhimaya,” ayuu yidhi xoghaye Faysal Cabdiraxmaan Madar.

Daawo: Xoghayaha Guud ee xisbiga Kulmiye Oo Akhriyay qodobadii shirka:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY