“Xisbiyadda mucaaradka oo imika ururro ahi waxay lumeen 2017-kii…”

0
422

Hargaysa (HP): Wasiirka wasaaradda beeraha JSL C/qaadir Iimaan Warsame, ayaa dhaliilo culus u jeediyay xisbiyadda mucaaradka ee UCID iyo Waddani.
Waxaanu sheegay wasiirku in labada xisbi mucaarad ay imika yihiin ururo, isla markaana uu wakhtigoodii dhamaaday.
C/qaadir Iimaan Warsame, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda beeraha waxa kaloo uu ka hadlay doorashadii dalka ka qabsoontay sanadkii 2017-kii, iyo carqaladihii UCID iyo Waddani ku hayeen doorashadaasi.
Waxaanu sheegay wasiirku in dib u dhaca doorashadda madaxtooyadda ay sababteedda leeyihiin xisbiyadda mucaaradku.

Geesta kale wasiirku waxa kaloo uu ka hadlay arrimaha doorashooyinka soo socda ee tartanka ururadda siyaasadda, iyo qaabka ay xisbiyadda mucaaradku uga qayb geli doonaan.

DAAWO: Shirka Jaraa’id Ee Wasiirka Beeraha:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY