Madaxda Caalamka oo Siyaabo Kala Duwan Uga Hadlay Dabkii Suuqa Hargeysa

0
1234

Hargeysa (Hargeisa Press) – Madaxda kala duwan ee dalalka caalamka, ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Dabkii ka kacay suuqa ugu weyn magaalada Hargeysa ee Waaheen ee uu ka dhashay khasaaraha hantiyeed.

Waxaanay madaxdani cadeeyeen sida ay uga xunyihiin dhibaatadaasi ka dhalatay suuqa Hargeysa, waxaanay sheegeen inay Shacabka Somaliland la qaybsanayaan murugada dhibkaas ku yimid.

Kosovo Behgjet Pacolli

Madaxwaynihii hore ee dalka Kosovo Behgjet Pacolli, ayaa ka hadlay dhibaatada dab ee ka dhacday caasimadda Somaliland ee Hargeysa, isagoo sheegay inuu murugada la qaybsanayo shacabka ku hanti beelay.

Behgjet Pacolli, ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay Somaliland ku taageeraan dadaalada dib u dhiska iyo taakulaynta dadka.

Boris Johnson

Ra’iisal Wasaaraha UK Boris Johnson, ayaa ka hadlay musiibada Dabka ee saameysay suuqii Hargeysa kaa soo dhaliyey khasaare maaliyadeed oo xoog leh.

Boris Johnson, ayaa ballanqaaday inay Somaliland siin doonaan wixii taageero ah oo ay awoodaan si ay uga soo kabato khasaaraha soo gaadhay.

Liz Truss

Xoghayaha Arrimaha dibadda Ingiriiska Liz Truss, ayaa sheegtay in dabkii khasaaraha badan dhaliyay ee ka kacay suuqa magaalada Hargeysa ee Somaliland uu ahaa mid naxdin leh.

Liz Truss, ayaa sheegtay in dowladda UK ay la shaqayn doonto Somaliland iyo saaxiibada caalamka si ay taageero ugu raadiyaan dadkii uu khasaaruhu gaadhay.

Abiy Ahmed

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, ayaa sheegay inuu la tiiraanyeysan yahay oo uu aad uga naxay dabka ka kacay Suuq-weynaha shacabka Somaliland dhibaatada dabka ka dhacay suuqa wayn ee Waaheen.

Abiy Axmed, ayaa sidoo kale sheegay inay Shacabka Somaliland la qaybsanayaan murugada dhibkaas ku yimid.

Ismaaciil Cumar Geelle

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa sheegay inay murugo weyn ku tahay dabkii qabsaday suuqa magaalada Hargeysa.

Waxaanu sheegay in dhibaatadii xalay ka dhacday magaalada Hargeysa ay tahay mid aad iyo aad u taabatay, hadaannu nahay ayuu yidhi reer Jabuuti, isaga oo intaa ku daray inay garab taaganyihiin shacabka walaalaha aanu nahay ee reer Somaliland.

Madaxweyne Geelle, ayaa sidoo kale sheegay inaanu shaki ku jirin in shacabka Hargeysa ka bixi doonaan dhibkaas oo ay dib u dhisi doonaan magaaladoodii quruxda badnayd, waxaanu balanqaaday inay garab taaganyihiin sidii had iyo jeerba aanay waxba uga hagran jirin.

Geesta kale, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa waxaa uu sheegay in uu saaka la hadlay Madaxweyne Muuse Biixi, waxaana uu shaaciyay in wefti ka socda Jabuuti ay berri Hargeysa iman doonaan.

Raila Odinga

Raila Odinga Hoggaamiyaha xisbiga ugu wayn Dalka Kenya, horena u ahaa ra’sal wasaarihii dalkaasi oo isna ka hadlay masiibada dabkii suuqa Hargeysa, ayaa sheegay inuu u ducaynayo shacabka Somaliland, waxaanu Bulshada gobolka iyo caalamka ugu baaqay inay si degdeg ah isugu yimaadaan si ay u caawiyaan dib u dhiska magaaladaada.

Kongarayska Mareykanka

Guddiga Arrimaha dibada aqalka Kongarayska Mareykanka oo ka hadlay dhibaatada dabka ka saameeyey suuqii ugu waynaa caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa sheegay inay aad uga xumaadeen markii ay arkeen burburka uu geystay Dabkaasi, iyaga oo sheegay inay Shacabka Somaliland ay dad adkaysi leh oo dib u dhismi doona burburkaas kadib.

Dowladda Mareykanka ayay ugu baaqeen inay kala shaqayso hay’addaha ay xidhiidhka wada shaqaynta leeyihiin ee Somaliland qiimaynta khasaaraha dabka sidii ay u caawin karaan.

Midowga Yurub

Xafiiska Midowga Yurub ee Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa sheegay inay ka murugaysan yihiin dabka qabsaday suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa.

Waxaanay sheegeen inay dareenkooda la qaybsanayaan shacbigs reer Hargeysa,  Xukuumadda Somaliland iyo Kooxaha badbaadada.

Midowga Yurub, balanqaaday inay sii wadayaan taageerada ay siiyaan Caasimadda Hargeysa iyo dadka reer Somaliland.

LEAVE A REPLY