Madaxweynaha Galmudug Oo Loo Doortay Axmed Cabdi Qoor-qoor

0
1775

Dhuusamareeb (HP): Waxaa maanta magaaladda Dhuusamareeb ka dhacday doorasho ay baarlamaanka maamulkaasi ku dooranayeen madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

Madaxweynaha afarta sannadood ee soo socda ee maamul goboleedka Galmudug ayaa maanta loo doortay Axmed Cabdi Kaariye, oo ku magic dheer qoor-qoor. Halka madaxweyne ku-xigeenkana loo doortay Cali Daahir Ciid.

Kursiga madaxweynaha waxaa u tartamay afar murashax, kuwaasoo codadka xildhibaanadda u kala helay sidan:
Axmed Cabdi Kaariye (qoor-qoor), wuxuu helay 66 cod. Axmed Shirre Maxamed, waxa uu helay 1 cod. C/laahi Axmed Samatar, waxa uu helay 9 cod. C/raxmaan Aadan Sabriye, waxa uu helay 1 cod.

Waxaana ku guulaystay kursiga madaxweynaha Galmudug ee afarta sanno ee soo socda Axmed Cabdi Qoor-qoor.

Sida uu shaaciyay guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal, oo doorashadda hogaaminayay.

Sidoo kale waxaa halkaas ka dhacday tartanka doorashadda kursiga madaxweyne ku-xigeenka, kaasoo ay u tartameen shan murashax.

Waxaana wareegii koowaad kadib tanaasulay laba murash, taasoo keentay in wareegii saddexaad ay u gud-been labadii musharax ee ugu codka badnaa.

Wareegii saddexaad waxaa guulaystay Cali Daahir Ciid, iyo C/qani Sheekh Cali Diini. Cali Daahir Ciid, ayaa helay 46 cod, halka musharaxa la tartamayayna uu helay 31 cod.

Geesta kale musharaxan maanta loo doortay madaxweynaha Galmudug ayaa la saadaalinayay in uu soo bixi doono, kaasoo lagu eedaynayay in ay wadato dawladda federaalka Soomaaliya.

Isla magaaladda Dhuusamareeb waxaa todobaadkii hore ka dhacay doorasho ay Ehelu-suna Waljamaaca madaxweyne ugu doorteen Sheekh Maxamed Shaakir, iyo madaxweyn ku-xigeen.

Sidoo kale magaaladda Gaalkacayo ayaa isla todobaadkii hore waxaa baarlamaan ka dhisay Axmed Ducaale Gaalle (Xaaf), madaxweynihii hore ee Galmudug oo sheegay in in ay qaadaceen doorashadda maanta Dhuusamareeb ka dhacday.

Dhinaca kale dawladda Maraykanka ayaa la sheegay in ay hambalyaysay madaxweynahan manta lagu doortay Galmudug. sidoo kale madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha dawladda federaalka Soomaaliya ayaa hanbalyeeyay.

Si kastaba ha ahaatee doorashadda maanta ee Qoor-qoor kama dhigna in uu dhamaaday khilaafkii iyo murankii siyaasadeed ee bilooyinka ka taagnaa Galmudug.

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here