Madaxweynaha Biixi Oo Soo Kormeeray Biriijka Koowaad ee Caasimadda

0
367

Hargaysa (HP): Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta soo kormeeray goobo kala duwan oo ku yaalla caasimadda Hargaysa oo ka mid ahaayeen Sayladda iibka xoolaha nool iyo Biriijka koowaad.

Madaxweynaha waxaa kormeerkaasi ku wehelinayay xubno ka mida golaha wasiirrada, maayarka Hargaysa, badhasaabka gobolka Maroodijeex, taliyaha ciidamadda booliska iyo masuuliyiin kale.

Biriijka koowaad ee uu soo kormeeray madaxweynuhu ayay waxyeelo soo gaadhsiiyeen roobab mahiigaan ah oo maalmihii u danbeeyay ka da’ayay gobolka Maroodijeex iyo caasimadda Hargaysa.

Waxaanu madaxweynuhu u kuurgalay dhibaatadii ka dhalatay Daadadkii ka dhashay roobabkii maalmahan da’ayay iyo waxyeeladda ay gaadhsiiyeen Biriijka koowaad ee caasimadda Hargaysa, kaasoo ay soo saareen qaybo ka mid ah rukumadda uu ku taagan yahay Biriijku.

Geesta kale madaxweyne Biixi waxa uu booqday xarunta guud ee xisbiga Kulmiye ee magaaladda Hargaysa, halkaasoo uu kula kulmay hogaanka xisbiga, masuuliyiin iyo hawl wadeena xaruntaasi.

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here