Maalinta Shaqaalaha Adduunka Ee 1-Da May Oo Laga Xusay Somaliland

0
402

Hargaysa (HP): Munaasibad lagu xusay maalinta shaqaalaha adduunka ee 1-da bisha May oo wadamo badan oo dunidda ah laga xuso ayaa maanta laga qabtay caasimadda Somaliland ee Hargaysa.

munaasibadaasi waxa ka soo qayb galay xubno ka mid ah golaha wasiirrada, guddoomiyayaasha haayadda shaqaalaha dawladda iyo madbacadda qaranka, agaasimayaasha guud ee machadka tababarka shaqaalaha dawladda.

Wasaaradda shaqo’gelinta iyo arrimaha bulshada, madaxda ururrada shaqaalaha rayidka ah iyo marti sharaf kale.

Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqo gelinta iyo arrimaha bulshadda Cabdirashiid Ibraahin Sheekh Cabdiraxmaan, oo xafladaasi ka hadlay ayaa  sheegay in maalintani ay qiimo weyn ugu fadhido shaqaale weynaha adduunka oo dhan.

Guddoomiyaha xidhiidhka ururrada shaqaalaha, guddoomiyaha ururka macalimiinta jaamacadaha iyo xoghayaha ururka macalimiint dugsiyada oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in xuquuqda shaqaalahu ay lagamaarmaan tahay, iyagoo ugu baaqay inay midoobaan oo xaqooda doontaan.

Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay agaasimaha guud ee macadka tababarka shaqaalaha dawladda Cumar Qalombi.

Guddoomiyaha haayadda shaqaalaha dawladda Farxaan Aadan, waxaanay sheegeen  in shaqaaluhu ay yihiin laf dhabarta dalka isla markaana ay muhiim tahay in noloshooda iyo baahiyaha kale ee aasaasiga ah ay qabaan in la daboolo, si kor loogu qaado waxsoosaarkooda.

Wasiirrada wasaaradaha xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Maxamed Aadan iyo wasiirka wasaaradda shaqo gelinta arrimaha bulshad iyo qoyska Somaliland Mustage Godane Cali Bile, waxaana ay sheegeen in waddan kasta horumarkiisu uu yahay cududda shaqaalihiisa sidaa darteed muhiimadda la siiyo shaqaale weynaha dalka.

Iyagoona  tilmaamay in intii xukuumaddani jirtay wax weyn laga qabtay arrimaha shaqaalaha iyadoo dib u eegis lagu sameeyay xeerka shaqaalaha rayidka ah, sidoo kalena la furay ururradii shaqaalaha isla markaana la sameeyay siyaasaddii iyo xeerkii hawlgabka shaqaalaha.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here