SHIRKII AQOONYAHANKA GOBOLKA GABILAY MA AHAYN SHIR KAANBAYN EE WASIIRADAA KA DHIGTAY MADAL KAANBAAN BALSE SAMAALE HA U TUDHO MAATIDA GOBOLKA GABILAY BY: AADAN WALI

0
999

Waxa magaalada gabilay lagu soo gaba gabeeyay shir socday mudo sadex cisho ah oo lagu gorfaynayay horumarka gobolka kaas oo qaban qaabadiisa uu lahaa badhasaabka gobolka gabilay shine oo run ahaan codsaday in mucaarid iyo muxaafid ba laga wada shaqeeyo danta guud ee gobolka layskana ilaaliyo wixii shirkaa arqaladaynaya ,aqoonyahanadan waxa ay tamartoodii iyo maskaxdoodaba ku foognaayeen sidii loo soo saari lahaa baahiyaha aasaasiga ah ee ka dhiman gobolkan gabilay waxan mudadii la fadhiyay laysla gorfeeyay waxa yaalaha aqabadaha ku ah horumarinta gobolka gabilay guud ahaantii aadna way u mahad sanyihiin aqoon yahanadaa hawshaas ha yay oo aan ana ka mid ahaa anigoo waliba aad u danaynaya markastana diyaar u ah horumarinta gobolka ,
Hadaba maalintii xidhitaanka shirka oo ku beegnayd 27/11/2014 ayaa waxa lagu soo casuumay wafti balaadhan oo ay hogaaminayso marwada koowaad ee dalka iyo wasiirada wasaaradaha maaliyada warshadaha ,waxbarashada waxa layskugu imi hoolka dawlada hoose oo shacbiga gobolka iyo haween wayne hargaysa ka yimi oo iyaguna ahaa kuwo la socoday waftiga madashii waxa laga soo jeediyay go’aamadii ka soo baxay sirkaa shantii qodob ee ugu mihiimsanaa oo dhalinyarada iyo guud ahaan shacbiga gabilayba aad u shoo dhaweeyeen Waxana Ka Mid Ahaa Qodobada Ugu Mihiimsanaa Ee Shirkaasi yaa Waxa kamid ahaa sharciyaynta gobolka gabilay kaas oo ahaa mihiim balse qodobadaas waxa aad u dhibsaday waftigii iyo madaxdii gobolka ka soo jeeday haday yihiin wasiirada iyo hadii kale madashuna may ahayn madal kaan bayn iyo tu siyaasadeed oo moodaysay in wixii la soo bandhigay aanay dhaga hooda raali galin .
Aan u gunda dago qoraalka hadalkayga oo ah qudbadihii ay halkaa ka jeediyeen wasiiradii wasaaradaha ka socoday oo badan koodu isja daba maray waxa qabadka xukuumada iyo horumar ay sheegeen in gonolka gabilay uu gaadhay intay xukuumada uu hogaaminayo Axmed Siilanyo ay talada dalka ay haysay iyaga oo aad u tilmaamaya dhisaka wasaaradah iyo iskuulo wasiirada waxa barashadu dhista oo dhab ahaan aan been ahay balse waxa isagu si gaara uga duwanaa wasiirka maaliyada oo isagu qariyay guusha ugu wayn ee xukuumadu gaadhsiisay dhinaca dakhliga dawlada hoose uga soo hooyda dhinaca kastamka oo 100% waxakhtigii hogaanka udub waxana waxkhtigaa udub kastanka ka soo xaroon jirtay lacag gaadhaysa 5000,000/sh Somaliland halka dawladan kulmiye ay ka soo hoyato lacag ka badan taas oo ah 50,000,000 shsoamaliland maalinkasta hadii bishii laysku geeyo noqonaysa lacag aad u badan sanadna iskaa daa hadalkii ayuu wasiirku ku meeraystay inuu aflagaadeeyo dhalinyardii gobolka guud ahaan isaga oo ku sheegaya dad jaahiliina oo iskaa hadlay oo xukuumada ku dhaliila waxaan jirin basle iskaa indha tiraya dhaqaalaha intaas leeg ee la musuqmaasuqayo oo uu isga masuul ka yahay kawa loo tirinayo inay jeebadooda ku dhacdo mashaariicdii halkaa laga jeediyay hadii dakhliga soo gala dagmada gabilay loo farsameeyo iyadaa bixin lahayd hadaba samaale isaga oo doonaya halka uu maanta joogo inuu gaadho ilaahana ka rajaynay inuu u aqbalo hankiisa ayaa hadan waxa aanu marnaba u damqanayn dadka iyo dadwaynah gobolka gabilay ee uu ragaadiyay musuqa baahsan ee maanta magaalada gabilay la waayay miisaaniyadihii ay ansixiyeen golaha degaankau sanadihii 2013-2014 oo gabi ahaanba la waayay mashaariicihii ku jiray iyada oo miisaaniyadii u danbaysay ee sanadkan dhanayd (SAGAAL IYO TOBAN BILYAN )oo 35% loogu talo galay horumarinta gobolka 65% hawl socodsiin balse gabi ahaan teedba ay soo baxday waxana lagu qaban qudbadii wasiir samaale waxa ku jirtay inaan shaqaale bil kaliya aanay lahayn balse shaqaalaha dowlada hoose ee gabilay haday tahay dhul xaadhe iyo shaqaale kaleba ay leeyihiin mudo laba bilooda oo samaale waa afmiishaar ceebihiisa ku qariya horumar kaligii arkayo ilaawi maayaan dadka reer gabilay waxa yeeladiisa iyo maamulada dagmada gabilay ee uu isagu kuraasta ku ilaalinayo musuqmaasuqan ku taageer san yahay wali reer gabilay waxay is waydiinayaan sababta dhabta ah ee uu u ilaalinayo balse isagu waxa uu waxa yeelayaa maamulka uu hogaaminayo madaxweynuhu waayo dawladani waa tu dusha ka quruxbadan balse hoosta ka uraysay marka adeegii bulushada loo qaban lahaa aan loo qaban iyo musuqa ka dhacaya magaalo caasimad u jirta 50km madaxweynaha laga qarinayo waxa ka socoda so maaha in taageeradii madaweyne siilaayo ee gobolka la luminayo madaxwayne gabilay hoos u soo eeg oo ha rumaysan wasiiradan afmiishaarka ah ee dhiigii dad kooda jaqaya .

 


Qalinkii: Aadan Maxamed Xaaji aadan weli
Gabilay,Somaliland
Email: aadanswali@live.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here